
Weriyeyaal uu horkacayo Gudoomiyaha ASOJ oo ka baqoolay Holland.
Brusseles 06 August 2009
Wafdi Weriyeyaala oo uu horkacayo Gudoomiyaha Ururka isu taga Suxufiyiinta
Soomaaliyeed ee ASOJ Dahir Abdulle Alasow ayuu socdaal shaqo kaga biloowday
dalka Bilguim-ka.
Kuma saxsan- Ahlusunna -Khawaarij- Dowlad -U codee
Wafdiga Weriyeyaasha ASOJ ee ka baxay Holland waxay socdaalo hoowleed ku mari
doonaan dalalka
Belguim,France.Italy,Germany,Denmark,Norway,Finland,Sweden,Austria,
Ingiriiska
iyo Ukraine.

"Socdaalkeenu wuxuu xambaarsan yahay arrimo xasaasiya,Belguim iyo
France ayaanu ku horeeyn doonaa si aan fariino muhiima u gaarsiino Ururadda
Saxaafadeedyada ka jira,kadibna waxaan u sii gudbi doonaa dalal badan,mudada
socdaalkeena,wuxuu qorshaheenu yahay inaan la kulano Weriyeyaasha Soomaaliyeed
oo dalalka aan booqaneyno ku nool,sida Sweden iyo Ingiriiska,sidoo kalena
waxaanu is arki doonaa Culumaa'udiinka Ahlusunna Wal Jameeca iyo madaxda
Jaaliyadaha Soomaaliyeed"ayuu yiri Dahir Abdulle Alasow.
Dahir Alasow
wuxuu Weriyeyaasha Soomaaliyeed ugu baaqay inay dhamaantood u istaagaan sidii
loo ridi lahaa heeryadda qoowleeysatada Saxaafadda ee garashada iyo iimaanka
xun.
"Waxaan hubaa in maanta Suxufiyiinta Soomaaliyeed garteen sida
magaceena looga dhigtay NGO,waxaana jeclahay inaan fursadaan uga mahadceliyo
Dowladda Jibouti oo tixgelin siisay baaqii Weriyeyaasha Soomaaliyeed ay ku
dalbanayeen inaan dalkooda laga dhigan halka laga qaniino Warfidiyeenadda
Somalia"ayuu yiri Dahir Alasow.oo dhinaca kalena mahadnaq iyo amaan u jeediyay
ganacsatada ku nool Caasimadda DJibouti,oo kaalmo wax ku oola kaalmeeyay
Weriyeyaasha ka soo qaxay Mogadishu ee ku nool dalkaas,sida wanaagsan ee ay ugu
yagleeleen nolol iyo hooy dhaxalgala.

Alasow wuxuu xusay inaan Roma maalin qura la dhisin,taasina ay
tusaale wanaagsan u tahay cidkastoo ku doodeeyso in shaqsiyaadka beenta ku
xidideeystay lagu ciribtiro waqti kooban.
"Dareenka taagan wuxuu ka
dhashay markii aanu xaqiijinay in barakicinta Weriyeyaasha ay ka dambeeyaan
qoowleeysatada Saxaafadda Somalia shaqsiyaad ka mida,waxaanu dooneeynaa inaan
beentooda ka daba geeyno,waana garaaci doonaa albaab walba,hor alle,anagoon
shilin kaga rabin ajnabiyiinta balse codsaneyno in la joojiyo lacagaha faraha
badan ee halkii laga rabay in la siiyo Saxaafadda Somalia,lagu dilayo,laguna
barakiciyay"ayuu ugu dambeeyntii ku koobay Gudoomiyaha Associated Somali
Journalists (ASOJ) Mr
Dahir.
By:Abdi Wahid Nur
Baadshaa
Weriyeyaal uu horkacayo Gudoomiyaha ASOJ oo ka baqoolay Holland.
Brusseles 06 August 2009