
ASOJ oo u jawaabtay Ex gaandhari-Milkiilaha Shabelle.
Mogadishu 21July 2009
Ururka isu taga Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee ASOJ ayaa Milkiilaha Idaacadda
Shabelle Abdi Malik Yusuf Mohamed ku tilmaamay nin qadiyadda Madaxbanaanida
Saxaafadda iyo xaqa Weriyeyaasha Soomaaliyeed ay kala weyn tahay sandareerooyin
laaluusha oo uu ka qaato ninka astaanta u noqday tacadiyada Saxaafadda iyo
Musuqmaasuq ee Cumar Faruk.
"Aniga iyo Abdi Malik Yusuf Mohamud waan is
naqaanaa,qof waliba way taqaanaa inuu yahay nin arxan daran,oo ku tunta xaquuqda
Suxufiyiinta Soomaaliyeed,waxaas oo dhana waxaa u sababa isagoo aan waxba ka
aqoon Saxaafadda,wuxuu ahaa sida la wada ogyahay gaandhari ka qeybqaatay
xasuuqyadii ka dhacay Somalia,wuxuu kadib noqday ganacsade isagoo ka
faa'iideeysanaya lacago ay walaashiis ka dhimatay,isagoo iibiya caanahii Waada
Faadmo,raguu u yimid ayaan ka mid ahaa ee talooyinka ka siiyay furitaanka
Shabelle"ayuu yiri Gudoomiyaha ASOJ Dahir Abdulle Alasow.
Dahir Alasow
wuxuu sheegay in markii la dilay Mukhtaar Mohamed Hiraabe,ee Weriyeyaasha
Shabelle iyo Weriyeyaal kale shaqa joojinta sameeyeen uu isaga ka hadlay
Idaacadda HornAfrik uuna ka sheegay inaysan Idaacadiisa Shabelle quseeyn shaqa
joojinta Weriyeyaasha,una istaageey shaqsi dhintay.
Hadalkaas wuxuu ahaa
midkii ugu xanuunka badnaa ee ku dhaco dhegaha Weriyeyaasha Soomaaliyeed xilli
ay ku jireen tacsi iyo baroordiiq.
"Allaha u naxariistee Bashiir Nur
Geeddi,Agaasimahii Idaacadda Shabelle ee xaqdarada loo dilay wuxuu qabay
Walaasheey Aamino,oo Caruur badan u dhashay,ninka iska leh Shabelle ee Abdi
Maalik walaahi inuusan xitaa u tacsiyadeeyn,war iyo wacaalna uusan ka heeyn
iyada iyo Caruurteey dhashay,iskaba dhaafe,wuxuu inkiray lacagtii Idaacadda ugu
jirtay Bashiir Nur Geeddi,sidoo kalena xaasaskii Mukhtaar Mohamed Hiraabe lama
uusan hadal,wayna joogaan" ayuu yiri Gudoomiyaha ASOJ Dahir Alasow oo ka
jawaabayay war maalaa yacniya oo Website-ka Shabelle la soo dhigay laguna
dafaray xaquuqda Weriyeyaasha Soomaaliyeed.
Mr Alasow wuxuu ku celshay in
dilkii Agaasimaha Shabelle uu ka dambeeyay Cumar Faruk,oo khilaaf xoogan uu ka
dhaxeeyay Allaha u naxariistee Mukhtaar Mohamed Hiraabe,oo ay isku heeysteen
lacagtii laga qaaday Doha Media ee Weriyeyaasha ka hoowlgala Mogadishu loogu
deeqay,uuna lunsaday oo cunay Cumar Faruk.
"Cumar Faruk ninka lagu
magacaabo ee iska leh NGO Nusoj,wuxuu dilalka iyo barakacinta Weriyeyaasha
Mogadishu u adeegsadaa nin lagu magacaabo Hassan Hanafi Hajji oo ka madaxa
Xafiiska Warfaafinta ee Khawaarijta Al-Shabaab,waana mid la wada ogyahay inuu
isaga dilay Hiraabe ilaa laga soo bilaabo Ali IImaan Sharmaarke,ujeedkiisa ugu
weyna wuxuu yahay sidii Weriyeyaasha u barakici lahaayeen,uuna dushooda uga
sameeyn lahaa lacag,oo NGO kaga sameeysan lahaa"ayuu yiri Dahir
Alasow.
Associated Somali Journalists waxay warka la soo dhigay
Website-ka Shabelle.net ku macneeysay mid ka qeyba hanjabaada iyo caga
jugleeynta lagu hayo Suxufiyiinta madaxa banaan ee Soomaaliyeed,laguna qaldo
caalamka,taasina ay ka marqaati kacee luqada lagu qoray ee Englishka,maadama ay
Somalida ogyihiin tacadiyada uu ku kaco ninka iska leh Shabelle ee Ex Gandhari
Abdi Malik.
Dahir Abdulle Alasow wuxuu ugu dambeeyntii beesha Caalamka
iyo Hay'adaha Saxaafadda aduunka ugu baaqay inay baaris ku sameeyaan Visayaashii
uu Omar Faruk magaca Suxufiyiinta Soomaaliyeed uga qaaday Saafaradda Italy ee
Nairobi,Dilalkii Suxufiyiinta,lacagtii ay Weriyeyaasha Mogadishu ugu deeqday
Hay'ada Doha Media Centre,wuxuuna sidoo kale ku baaqay in wax loo qabto Weriye
Ahmed Omar Hashi ( Ahmed Taajir) oo isagoo dhaawaca ku dhibaateeysan Magaaladda
Kambala ee Dalka Uganda.ahaana Suxufigii la dhaawacay maalintii la dilayay
Allaha u naxariistee ,Mukhtaar Mohamed
Hiraabe.
By:Abdi
Wahid Nur Baadshaa
ASOJ oo u jawaabtay Ex gaandhari-Milkiilaha Shabelle.
Mogadishu 21July 2009