
Weriyeyaasha Somalia oo cambaareeyay in Visayaal leh magacooda suuqyada laga iibsado.
Mogadishu 20 July 2009
Ururka isu taga Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee ASOJ ayaa si kulul u cambaareeyay
dhacdadii uu ku kacay ninka sheegta inuu ka madax yahay NUSOJ ee lagu magacaabo
Omar Faruk.
" Waa nasiib daro taariikhiya hab dhaqanka guracan ee ninka
la yiraa Omar Faruk,waxaa wax lala yaabaa inuu Magacyadda Weriyeyaasha
Soomaaliyeed ku qaato Visayaal,ugana qaatay Safaaradda Talyaniga ee Magaaladda
Nairobi,kadibna suuqyada ka iibsaday"ayuu yiri Gudoomiyaha Associated Somali
Journalists,Dahir Abdulle Alasow.
Dahir Alasow wuxuu tilmaamay in Omar
Faruk ka masuul yahay dilalka,Barakicinta Weriyeyaasha Somalia,gaar ahaan dilkii
Agaasimahii Idaacadda Shabelle.
"Omar Faruk waxaanu ognahay inuu lacag
badan ku bixiyo barakicinta iyo dilalka Weriyeyaasha,waxaa la wada ogyahay dadka
uu adeegsado,wuxuuna arrimahaas oo dhan u sameeynayaa sidii uu dhaqaale uga dul
sameeyn lahaa,oo aduunka ugu tuugsan lahaa in Weriyeyaasha dhibaateeysan
yihiin"ayuu yiri Dahir Abdulle Alasow.
Mr Alasow wuxuu sheegay in
Saxaafadda Somalia u baahan tahay gurmad deg dega,waxaana uu farta ku fiiqay in
gurmadkaas uu ugu horeeyo sidii looga qaban lahaa Omar Faruk.
"Beesha
Caalamka iyo Hay'adaha Saxaafadda aduunka,waxaanu leenahay,anagu ka mid maahin
kooxaha gacanta idiin hoorsado,waxaanu nahay Weriyeyaasha Xirfadlayaasha Somalia
ee la yaqaan,fadlan naga joojiya lacagaha aad siineeysaan qoowleeysatada ee
nagula waxyeeleeynaa maalin walba,fadlan baaris ku sameeya dilkii Mukhtaar
Mohamed Hiraabe iyo 12 Visa ee Safaaradda Talyaniga uu Omar Faruk ka qaaday kana
iibsaday Somalida Nairobi"ayuu ku celcelshay Dahir Alasow.
Saxaafadda
Somalia oo sedexdii sano ugu dambeysay gashay curaar iyo tacadiyo,waxay noqotay
mid aan loo damqan.
By: Mahammed Cumar
Weriyeyaasha Somalia oo cambaareeyay in Visayaal leh magacooda suuqyada laga iibsado.
Mogadishu 20 July 2009