
Hogaanka ASOJ oo taageeray kulankii Suxufiyiinta Sweden.
			Mogadishu 15 July 2009                         
  
  
            
  
  
   
        
    
        
  Gudoomiyaha Ururka isu taga Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee ASOJ ayaa tilaabo ku 
dayasha mudan ku sifeeyay kulankii cashada ee ay Stockholm ku yeesheen 
Weriyeyaal Soomaaliyeed oo badankood ka soo cararay Caasimadda Mogadishu,sababa 
la xiriiro amaan xumo.
  "Weriyeyaasha ku kulmay Sweden ee goboladda kala 
duwan isaga yimid,markii aan akhriyay nuxurka kulankooda,waxaan jecleeystay 
inaan u diro hambalyo wadaninimo maxaa yeelay,qodobada ay ka hadleen waa 
dhaxalgal,waana wax lagu farxo in hadii aan nabad heysano iska aamusin,oo dhexda 
u xirano sidii wax loogu qaban lahaa Suxufiyiinta dalka iyo dalalka la deriskaa 
ku dhibaateeysan"ayuu yiri Dahir Abdulle Alasow.
  
  Dahir Alasow wuxuu 
Weriyeyaasha ku sugan Qaaradda Europe ugu baaqay inay sida Weriyeyaasha Sweden 
isu xilqaamaan,kana doodaan sida wax loogu qaban karo Suxufiyiinta dalka hooyo 
uga hoowlgelayo xaaladaha halista badan iyo boqolaalka ku tabaaleeysan dalalka 
deriska.
  
By: Mahammed Cumar
  
  
                
      
                0            









Hogaanka ASOJ oo taageeray kulankii Suxufiyiinta Sweden.
Mogadishu 15 July 2009