
Asoj oo ka digtay in Saxaafadda Mujaahidiin ugu yeerto Khawaarijta Somalia.
Mogadishu,24 June 2009

Ururka Isu taga Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee ASOJ ayaa dhamaan
Hay'adaha Warbaahinta ku hadasha afka Somaliga ugu baaqay inay taageeraan
halganka lagu difaacayo Qaranimada Somalia laguna wiiqaa kooxaha Khawaarijta ku
xiran Al-Qaeda ee tacadiyada baahsan ku hayo shacabka
Soomaaliyeed.
"Waxaan u sheegeeynaa dhamaan Saxaafadda ku hadasha af
Somaliga inay dimbi ilaah laga galay iyo mid shacabka Soomaaliyeed loogu gefayo
tahay in kooxda Khawaarijta ee hooyooyinka iyo caruurta Soomaaliyeed xasuuqaya
loogu yeero Mujaahidiin,micnahu wuxuu yahay in laga waantoobo kelmadaas diinta
wax loogu dhimaa"ayuu yiri Gudoomiyaha ASOJ Dahir Abdulle Alasow.
Dahir Alasow wuxuu
Saxaafadda Somalia ku guubaabiyay inay ka hadlaan tacadiyada ay geeysanayaan
Khawaarijta sidagoowraca,qaraxyada,kufsiga,adeegsiga dagaalada ee Caruurta aan
qaangaarka ahayn,qodida qabriyada iyo lacagaha baadaa ee xooga looga qaadayo
ganacsatadda,dilalka Suxufiyiinta iyo samafalayaasha.
"Walaahi
Khawaarijtu Diinta Islaamka ayey dooneysaa in laga wada cararo,waana dimbi weyn
in qof dhiig Muslim daadinaa loogu yeero Mujaahid,waxaana leeyahay Saxaafadda
hadii aad dhahdiin Mujaahid waxaad ku xisaabtantiin in labo waxyaabood idin
sugayaan,Xisaab alle iyo Khawaarijta oo go'aankoodu yahay inay baabi'iyaan wax
la yiraa Warbvaahin xora"ayuu yiri Dahir Alasow

Alasow wuxuu amaanay
Weriyeyaasha markii ay u adkeeysan waayeen hanjabaada iyo dhaqamada guracan ee
Khawaarijta isaga tegay shaqooyinkii.
"Hadii lagu dooransiiyo inaad
Khawaarij diinlaabayaala dhahdid Mujaahid iyo inaad shaqada iska dhaaftid,waxaa
wanaaga ku jiraa inaad iskaga tagtid shaqada maxaa yeelay sidaan waa gunimo,waa
diin la'aan in qofaad arkeeysid inuusan diin shaqo ku lahayn dhahdid sheekh
hebel ama Mujaahid hebel"ayuu yiri Dahir Abdulle Alasow.
Ugu dambeyntii
wuxuu Dahir Abdulle Alasow tilmaamay in dalka la geliyay xaalad deg dega,taasna
ay ka turjumee qorshe muhiima oo la doonayo in Khawaarijta looga hortago si
Qaranimada loo badbaadiyo.
Asoj oo ka digtay in Saxaafadda Mujaahidiin ugu yeerto Khawaarijta Somalia.
Mogadishu,24 June 2009