
Weriyeyaasha ajnabiga ee Mogadishu ku afduuban oo liita
Mogadishu 12 June 2009
Ururka isu taga Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee ASOJ ayaa
dowladaha Canada iyo Australia ugu baaqay inay sida ugu dhaqsiyaha badan uga
shaqeeyaan sidii lagu sii deyn lahaa labada weriye ee u dhashay dalkoodana kuna
afduuban Somalia,ilaa bishii August ee sanadkii 2008
Maalintii Arbacada
ee 10 June 2009 waxay Saxaafiyadda u dhalatay Canada ee afduubka lagu heysto
laguna magacaabo Amanda Lindhout u sheegtay telefishinka Canadian broadcaster
CTV, inay nolosheeda aad ugu jirto halis ayna dowladaha Canada iyo Australia ka
weeydiisaneyso inay caawiyaan iyada iyo sawirqaade Nigel Brennan oo laga wada
afduubtay mudo laga joogo toban bilood wadada u dhaxeysa Mogadishu iyo
Afgooye,mar ay marayeen meel ka baxsan caasimadda.
“Waxaa afduub nagula
heystaa 10 bilood,waxaana ku jiraa xaalad liidato sidaas darteed waxaan
codsanayaa in dowladda Canada ii caawiso sida qofka Muwaadinka xaq u leeyahay
marka dhibaato qabsato"ayey CTV u sheegtay gabadha afduuban
Warbixin ay
heleen Weriyeyaasha Mogadishu ee Ururka Suxufiyiinta ASOJ ayaa lagu sheegay in
labada Weriye ee ajnabiga wajaheen xaalad caafimaad xumo,si gaarana ay u
xanuunsaneyso gabadha Lindhout.
Associated Somali Journalists ASOJ,waxay
dowladaha labada Muwaadin,dowladda Somalia,waxgaradka,Culumaa'udiinka iyo
Weriyeyaasha Soomaaliyeed ugu baaqday inay u istaagaan badbaadinta labada Weriye
ee sida xaqdaradaa u afduuban muda ka badan toban bilood
Weriye
Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Abdifatah Elmil ayna afduubtayaasha la afduubteen
Weriyeyaasha ajnabiga ee Lindhout iyo Brennan ayaa la sii daayay January 15 mar
uu afduubnaa shan bilood.
Somalia waxay ka mid noqotay dalalka ugu
qatarta badan caalamka ee lagu dilo,lagu afduubto,lagu caburiyo
Weriyeyaasha.
Fartuun Milaano
Weriyeyaasha ajnabiga ee Mogadishu ku afduuban oo liita
Mogadishu 12 June 2009