
Weriyeyaasha Soomaaliyeed oo doodii ugu horeysay yeeshay "Chat Room"
World 12 June 2009
Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee ku kala nool daafaha dunida badankood ayaa kulankii
ugu horeysay ee lagu gorfeeynayay xaaladda Saxaafadda Somalia waxay ku yeesheen
Chat Room-ka cusub ee loo furay wada hadalka Weriyeyaasha.
Dood iyo wada
hadal dheer kadib waxaa kulanka lagu gorfeeyay labo qodob oo ay soo kala
jeediyeen Mohamed Siidi iyo Abdullahi Warsame oo ka mida hoowlwadeenadda
Saxaafadda Somalia,kuna kala nool Nairobi iyo London.
1- In laga hadlo
arrinta cakiran ee wajahday Saxaafadda Somalia -waxaa qodobkaan keenay Mohamed
Siidii,Maamulaha Wariyaha.com
2- In Weriyeyaasha Soomaaliyeed loo sameeyo
nimaad guud oo ay ku mideeysan yihiin,waafaqsana anshaxa Saxaafadda-waxaa
qodobkaan keenay Abdullahi Warsame Maamulaha Mareeg.com oo shirka
gudoominayay.
"Aniga hadii aan idinkaga waramo waxaan ka mid ahaa
asxaabtii u soo qaxday Kenya 2007dii waxaana halkaas ku sugan asxaab fara badan
ilaa iyo hada waxaa ka jiro ururo iska soo horjeeda taasina waxay ku tusaysaa
inaan la'is aminsaneyn,waana muhiim in Saxaafadda Somalia la mideeyo,oo hal meel
uga wada jeestaan cadawga"sidaas waxaa ku furay wada hadalka Weriye Cabdi Yare
oo jooga Mareykanka.
"Runtii Maanta Wariyaasha ku sugan halkaan waxay
dareemayaan Ciil fara badan,ma heystaan nolol,waxayna xaajadu maree in dadka
markaad dhahdid waxaan ahay Weriye ay ku dhahaan,maad iska dhaaftid Weriyenimada
intaan lagu dilin"ayuu yiri Cabdi Kaafi Mohamud Carab oo ah Agaasimaha
Dayniile.com,kuna nool Magaaladda Nairobi ee dalka Kenya.
"Waxaa muhiima
in Weriyeyaasha ku dhibaateeysan Afrika sidii wax loogu qaban lahaa xooga la
saaro,waa in laga baxaa kala qoqobnaanta,waxaana taageerayaa qorshaha cusub iyo
ololaha iskaashiga ee u biloowday Weriyeyaasha Soomaaliyeed"ayuu yiri Xasan
Sheekh Axmed Cadde,oo ah Maamulaha Gargaarka.com,kuna nool London.
"
Waxaan ka imid Afrika ,Suxufiyiinta dhib badan ayaa heysta runtii,hadii la
doodo,oo fikrada la mideeyana waxaan ka soo bixi kara tilaabooyin
dhaxalgala"ayuu yiri Weriye Cabdi Raxmaan Xudeyfi oo jooga Magaaladda Stockholm
ee dalka Sweden.
"Roma Hal Maalin lama dhisan,waana farxad inaan ka
doodeeyno aayaheena sidaas darteed waxaan ku talinayaa in shirka naloo xiro,oo
kulanka labaad u dad badsano,waana muhiim in wax loo qabto qoysaska
Weriyeyaashii xaqdarada loo dilay" ayuu yiri Dahir Abdulle Alasow,Gudoomiyaha
Ururka Suxufiyiinta ASOJ ahna Tifaftiraha Waagacusub kuna nool Magaaladda Breda
ee Dalka Holland.
Kulanka Weriyeyaasha ka qeybgalay waxaa ka mida:-
Abdullahi M khaliif Minneapolis,USA
Hassan Sheekh Ahmed Cadde
London,Uk
Abdi Kafi Mohamud Arab Nairobi,Kenya
Hassan Said Ali
Kambala,Uganda
Abdi Sh Hassan Kulmiye,Minnesota,America.
Abdi
Rahman Xudeeyfi Stockholm,Sweden
Mohamed Abdullahi Siidii
Nairobi,Kenya
Dahir Abdulle Alasow,Breda Holland
Abdullahi
Warsame,London UK
Ubax Hussein,London Uk
Sucaad Mohamed,Cairo
Masar
Abdi Qani Makhtal,Laascaano Somalia
Farhiya
Hussein,Helisink-Finland
Kulanka Suxufiyiinta wuxuu noqon doonaa
joogto,waxayna rajadu tahay inay ka soo baxaan qodobo wax ku oola si afkaarta
Suxufiyiinta loo mideeyo,isuna garab qabtaan.
FG:fadlan ka qeybgal kulanka Weriyeyaasha Email:
[email protected]
By Fartuun
Milaano
Dubai-Emirates
Weriyeyaasha Soomaaliyeed oo doodii ugu horeysay yeeshay "Chat Room"
World 12 June 2009