
Weriyeyaasha Mogadishu oo cadeeyay sababaha ay shaqada u joojiyeen
Mogadishu 11 June 2009
Weriye Cilmi Cismaan Faarax Boodhari oo ka mida Weriyeyaasha ugu magaca dheer
Somalia ee dhawaan shaaciyay inay shaqada isaga tageen ayaa markii ugu horeeysay
si cad uga hadlay sababaha ay shaqadooda gacmaha uga laabteen.
" Waxaan
rabno sheeg hadii kale waxaad tahay Rido,gaal waana lagu dilaa ayaan shaqadii
uga tagnay maxaa yeelay inaan noqono Microphone ama cod baahiye la adeegsado
naga suurtagal maaha"ayuu yiri Cilmi Boodhari.
Boodhari oo hadalkiisa ku
beegay maalin kadib markii ay shaqada isaga tageen 14 Weriye oo uu ka mid yahay
wuxuu dhinaca kale tilmaamay inay Somalia noqotay Jamhuuriyadda
cabsida.
Weriye Cilmi Boodhari oo shaqada ka bilaabay idaacadii Codka
Shacabka ee Ex Radio Mogadishu,waa Suxufi hal abuurkiisa aad loo jecel
yahay,waxaana lagu tiriyaa Weriyeyaasha ugu faalo diyaarinta wanaagsan dalka
Somalia.
Weriyeyaasha Somalia soo maray ee warbixinadooda loo riyaaqo
waxaa laga xusi karaa,Ali Muusse Abdi,Hassan Bariise,Cawil Dahir Salaad,Cilmi
Cismaan Farax Boodhari,Mohamed Ibrahim Macalimuu ka mida Weriyeyaasha dhawaan
soo shaac baxay iyo Weriye Cabdi Casiis Maxamud Guuleed Africa oo dhinaca
xeerinta iyo tayeeynta wararka hogaanka koowaad ku galay sanadkii la soo dhaafay
Somalia.
Ali Musse Abdi waxaa uu noqday Weriyahii ugu riskiga badnaa
Somalia,waxaana dhacday in Maamulkii Jeneral Mohamed Farah Aideed qabteen,oo
xukun dila ku rideen balse uu nasiib wanaag ka badbaaday ka gadaal markii uu
habeen saqdhexe ka baxsaday Xaruntii C.I.D oo uu ku xirnaa.
Ali Waxaa uu
Mogadishu kala kulmay tacadiyo taariikhda galay,waxaana ka mid ahayd in Warbixin
uu qoray uu ka carooday hogaamiyahii Maxaakiimta ee Waqooyiga Mogadishu kadibna
gacan gooyn lagu xakumay.
Waxaa dhacday in gurigii uu deganaa bambooyin
lagu weeraray,waxayna ugu dambeyntii dhaxalsiisay inuu isaga soo huleelo,oo
Nairobi ka dhigto Fariisin.
Ali Musse Abdi ,inkastoo iminka uu joogo
waqti uu heer wanaagsan ka gaaray fanka hadana waxaa colaadintiisa ugu badan la
rumeeysan yahay inay ku tiirsaneed quuri weeyto loo quuri waayay hab
dhigaalkiisa waana sababta Weriyeyaashii ay soo wada shaqeeyeen oo uu ka mid
yahay Qaasim Nero u yiri" Ali Musse oo Rikoor wax ku duubayo ama Note ka
sameeynayo shir Jaraa'id weligeey ma arag,waxaanse uun arkayay isagoo khudbada
la jeediyo maskaxdiisa kaga sheekeeyn karo mar kale"
Mogadishu Times iyo
Weriyeyaal kontomeeyo ka badan ayuu abuuray Ali Musse kuwaas oo ka mida
Suxufiyiinta ugu caansan Somalia Maanta.waxaana dulucda warkeena dambe ugu
qaadaa dhignay inuu ahaa Weriyahii ugu horeeyay ee diiday,waxaan rabno
sheeg.
Weriyeyaasha Mogadishu oo cadeeyay sababaha ay shaqada u joojiyeen
Mogadishu 11 June 2009