
Agaasimeyaasha iyo barnaamij soo saarayaasha Warbaahinta Mogadishu oo shaqadoodii joojiyay.
Mogadishu 10June 2009
Toban Weriye oo isugu jira Agaasimeyaal iyo barnaamij soo saarayaasha idaacadaha
iyo Tv-yada Mogadishu ayaa markii ugu horeeysay si rasmiya u shaaciyay inay
shaqadii isaga tageen.
Wariyayaashan oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada
Muqdisho ayaa waxay sheegeen in ay go’aankan qaateen kaddib markii ay
garawsadeen in aysan ku sii shaqeyn karin duruufaha nabadgelyo ee la soo
gudboonaaday Wariyayaasha ka howlgala Soomaaliya.
Haddaba Qoraal ay
Wariyayaashan soo saareen ayaa wuxuu u qornaa sidan:
Kadib markii ay soo
bateen tacaddiyada tooska ah ee ka dhan ah warbaahinta xorta sida dilka,
dhaawaca, afduubka, iyo hanjabaadaha oo ay ugu dambeeyeen dilkii agaasimihii
Shabeelle Mukhtaar Maxamed Maxamed Hiraabe iyo dhaawacii Madaxa Barnaamijyada
Shabeelle Axmed Cumar Xaashi (Axmed Taajir) iyo afduubkii Agaasimaha TV-ga
Universal ee Muqdisho Ibraahim Maxamed Jeekey iyo hanjabado is-daba joog ah oo
qaar ka mid ah warbaahinta soo gaarayay.
Kaddib markii aan garawsanahay
in aanan aqoonin kooxaha sida tooska ahs noo bartilmaameedsanaya iyo in
dhinacyada isku haya Soomaaliya ay isku tuurtuurayaan tacaddiyada loo geysto
howl-wadeennada Warbaahinta, gaar ahaan dilalka waxaan noo soo baxday in aanan
si madax bannaan ugu shaqeyn karin Soomaaliya, iyadoo taasina ay meesha ka
saareyso soo bandhigidda xaaladda dhabta ah ee ka jirta
Soomaaliya.
Qodobada ay Wariyayaasha soo saareen waxaa ka mid
ah:
Annaga oo og saameynta uu go’aankan ku yeelan doono dadka danyarta ah iyo
soo bandhigidda tacaddiyada ka dhacaya dalka Soomaaliya haddana duruufta dhinaca
amniga ah ee nala soo gudboonaatay ma ahan mid aan ku shaqeyn karno khatarta ay
nafteena ku jirto aawadeed, waxaana go’aansannay in aan howshii warbaahineed
joojinno illaa iyo inta uu ka imaanayo is-bedel dhinaca amniga ah.
Waxaan
ka codsaneynaa Beesha Caalamka in nala badbaadiyo, isla markaana nala difaaco
maadaama ay nafteena khatar ugu jirto dembilayaashii ka dambeeyay dilalkii loo
geystay saaxibadeen, ayna soo badanayaan hanjabaado is-daba-joog ah oo naloo
geysto.
Magacyada Wariyayaasha Shaqo-joojinta sameeyay
Ibraahim
Maxamed Xuseen Jeekey Agaasimaha TV-ga Universal
C/raxmaan Yuusuf Cumar
Al-Caddaala Tifaftiraha Idaacadda Shabeelle
C/casiis Maxamuud Guuleed
(Afrika) Tifaftirihii Idaacadda Codka Nabadda
Maxamed Abuukar Ma’da
Tifaftiraha Idaacadda Horn Afrik
Axmed Cumar Xaashi (Axmed Taajir) Madaxa
Barnaamijyada Idaacadda Shabelle
C/llaahi Kulmiye Caddow Madaxa
Barnaamijyada Idaacadda Horn Afrik
Xasan Cali Geesey Barnaamij soo saare
Idaacadda Somaliweyn
C/fataax Daahir Jeyte Barnaamij soo saare Idaacadda
Simba
Bashiir Diiriye Naaleeye Agaasime ku xigeen TV-ga
Universal
Cilmi Cusmaan Faarax Boodhari Wariye ka tirsanaa TV-ga
Universal
Maxamed Ibraahim Raage Webmaster Shabelle
Maxamed
Maxamuud Odawaa Webmaster HornAfrik
Maxamed C/llaahi Xaaji Tifaftire ku
xigeen Idaacadda Shabeelle
Cabdulle Cabdi Maxamuud (Oday Cabdulle) Madaxa
Sheeko soo saarayaasha Shabeelle
Marka laga soo tago Wariyayaashan
magacyadooda soo bandhigay waxaa jira wariyayaal kale oo iyana go’aan midkan la
mid ah qaatay, kuwaasi oo ku sugnaa goobtii ay wariyayaasha go’aankan ka soo
saareen.
Go’aanka ay wariyayaashan qaateen ayaa wuxuu ku soo beegmayaa
iyadoo dorraad magaalada Muqdisho lagu dilay Agaasimihii Idaacadda Shabeelle
Mukhtaar Maxamed Hiraabe, sidoo kalena la dhaawacay Wariye Axmed Cumar Xaashi
(Axmed Taajir), iyadoo sanadkan kaliyana Soomaaliya siyaabo kala duwan loogu
dilay ilaa shan saxafi oo ay ku jireen labo Agaasime, halka sanadkii 2007
Soomaaliya lagu dilay in ka badan 10 saxafi.
Agaasimeyaasha iyo barnaamij soo saarayaasha Warbaahinta Mogadishu oo shaqadoodii joojiyay.
Mogadishu 10June 2009