
CPJ oo noqotay Hay'ada ajnabi ee difaacda Saxaafadda Somali
Gudigga difaaca Saxaafadda Caalamka ee CPJ
ayey Weriyeyaasha Soomaaliyeed ku amaaneen sida ay astaan ugu noqotay u
gurmashada Saxaafadda iyo Suxufiyiinta Somalia ee ku hoowlgelaya xaaladaha
halista badan.
Agaasimayaasha Warbaahinta Somalia ayaa hambalyo iyo
mahadcelin ujeediyay Madaxda Committee to Protect Journalists (CPJ) iyagoo si
gaara ugu mahadceliyay Mohamed Keita iyo Tom Rhodes oo ka mida hoowlwadeenada
sare ee ka hoowlgala waaxda Africa iyo barigga dhexe"Waxaan ku bogaadineeynaa
dhamaan hoowlwadeenada CPJ dadaalkooda ku saleeysan difaacida Saxaafadda dunida
ee xadgudubyada lagula kaco,waxaana si gaara amaan ugu jeedineyaa hoowlwadeenada
qaabilsan arrimaha Africa ee Mohamed Kieta iyo Tom R hordes oo abaalkooda aysan
iloobi doonin Saxaafadda Somalia,kuna qoran bog taariikhiya"ayuu yiri Agaasimaha
Waagacusub Media ahna Gudoomiyaha Associated Somali Journalists (ASOJ) Mr Dahir
Alasow.
Gudoomiye Dahir Alasow wuxuu tilmaamay in CPJ ku tilaabsatay
isbedel baaxadweyn oo ay ku diirsadeen Saxaafadda dunida.salaana gaarana wuxuu u
diray Gudoomiyaha CPJ Paul E. Steiger ,wuxuuse nasiib daro ku sifeeyay in Ururka
International Federation Journalists (IFJ)madaxdooda meel ka dhacyo ku
sameeynayaan Suxufiyiinta Soomaaliyeed halkii laga sugayay garab
qabasho.
"IFJ iyo Hay'adaha kale ee Saxaafadda Caalamka waxaanu ugu
baaqeeynaa inay ku daydaan CPJ oo ay kaalinkooda shaqo isku koobaan halka ay ku
mashquulsan yihiin inay sida NGO,shaqsi ugu isticmaalaan magaca qiimaha badan ee
Suxufiyiinta Soomaaliyeed"ayuu yiri Dahir Alasow.
Agaasimaha Idaacadda
Codka Nabadda Abdi Aziz Mohamud Guuleed (Africa) ayaa tilmaamay in Saxaafadda
Somalia wado dadaalo ay isaga rideeyso sharaf dilka magacooda loogu adeegsanayo
NGO qof ku qoowleeysto.
" Waxaanu aragnaa CPJ hoowlwadeeno ka tirsan oo
mar walba nala soo xiriiraya,si ay ula socdaan xaaladaheena maxaa loo waayay
Hay'ad kale oo naga warqabto,micnahaas qof walba wuu fahmi karaa,waxaanu ku
baaqeeynaa inaan la is dhihin Suxufiyiinta Soomaaliyeed dowlad maleh ee sidii la
doono haloolo dhaqmo"ayuu yiri Agaasime Abdi Aziz Africa.
Agaasimaha
Radio Danan ee Mogadishu Mr Mohamed Hajji Barre Fiyoore ayaa CPJ weeydiistay
inay fara gelin ku sameeyso xadgudubyada lagu dhunsanaya dhaqaalaha loogu tala
galay Suxufiyiinta ka hoowlgala Mogadishu sida lacagtii ugu dambeysay ee Doha
Media Center ku sheegtay Website-keeda inay ugu deeqeen lix Weriye oo Idaacadaha
Mogadishu ka hoowlgala uuna si shaqsiya ugu tagrifalay ninka sheegta inuu yahay
Xoghayaha Nusoj ee lagu magacaabo Omar Faruk.
Agaasimaha Radio and Tv SBC ,Inj Mowliid Hajji Abdi ayaa CPJ
ku amaanay difaacida ay had iyo jeer difaacdo Saxaafadda Somalia isagoo
tilmaamay in Weriyeyaasha Soomaaliyeed kala ogyihiin cidda abaal u gashay iyo
cidda magacooda si qaldan u adeegsatay.
CPJ oo noqotay Hay'ada ajnabi ee difaacda Saxaafadda Somali
Mogadishu 08 May 2009