
ASOJ oo bogaadin u dirtay Wasiirka Warfaafinta Somalia.
Ururka isu taga Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee ASOJ ayaa
Wasiirka Warfaafinta Dowladda Somalia Mr Farhan Ali Mohamud ku bogaadiyay
go-aanka uu dhinaca dimoqoraadiyada u qaaday,kuna kala diray kooxdii sheegan
jirtay golaha Suxufiyiinta qaranka Somalia.
"Waxaan marka hore hambalyo u
dirayaa Wasiir Farhan Ali Gaban oo tilaabo farxad gelisay Saxaafadda Somalia
hore u qaaday,runtii waxaan dareemeeynaa in Wasaaradda cusub ee Warfaafinta
Somalia cagta saartay wado cadaaladeed maxaa yeelay waa qodob weyn in
Weriyeyaasha Somalia doortaan golaha Qaranka Suxufiyiinta Somalia,si madax
banaan,taasi macnaheedu waxay tahay inay meesha ka baxayaan kuwa magaca qaran ku
qaraabta ee NGO ka dhigtay"ayuu yiri Gudoomiyaha ASOJ,Mr Dahir
Alasow.
Hogaamiyaha ASOJ wuxuu weriyeyaasha Somalia dal iyo dibad ugu
baaqay inay si wadajira u taageeraan go'aanka Wasiirka,ayna u diyaar garoobaan
doorasho madaxbanaan oo Suxufi kasta xaq u leeyahay inuu isu sharaxo hogaanka
golaha Suxufiyiinta Qaranka Somalia.isagoo dhinaca kalana amaan u jeediyay
Gudoomiyahii golahaas Mr Abuukar Fareey oo si gobanimo leh u qaatay rabitaanka
Suxufiyiinta Soomaaliyeed.
"Magaca Suxufiyiinta Qaranka Somalia waa mid
ka dhaxeeya dhamaan Weriyeyaasha,ma ahan wax la qaadan karo in shaqsi iska
sheegto oo weliba ay u diiwaangeliyaan dowladaha deriska nala ah qaarkood,taasi
waxay tahay mid aan sina lagu aqbali karin,cidii dooneyso inay hogaamiso
Suxufiyiinta Qaran ee Somalia,waxaa u furan munaasabada lagu dooranayo,qofkii
aan Saxaafadda ku dhexlahayn sumcad ee qoowleeysatanimada ku caam noqotayna
dabcan waxay ku naaloon doontaa murugo iyo laalaab"ayuu yiri Dahir Abdulle
Alasow.
Beesha Caalamka iyo Ururadda Saxaafadda dunida ayuu Gudoomiye
Alasow ugu baaqay inay gacan ka geystaan sidii Gole metela Suxufiyiinta Qaranka
Somalia loo dhisi lahaa.
Ugu dambeyn wuxuu tacsi u diray ehelada iyo
qarabaada ay ka tageen Weriyeyaashii xaqdarada loogu dilay gudaha Somalia
,isagoo dowladana ugu baaqay inay ka shaqeyso sidii Maxkamad loo soo taagi
lahaa.
By Sunni Said Saleh
Asoj Spokesman
[email protected]
[email protected]
Mogadishu-Somalia
ASOJ oo bogaadin u dirtay Wasiirka Warfaafinta Somalia.
Mogadishu 04 May 2009