
Jibouti oo noqotay godka laga qaniino Suxufiyiinta Somalia.
Ururka isu taga Suxufiyiinta Somalia ee ASOJ ayaa Dowladda Jibouti ku eedeyay
inay dhiirigelin siineyso shaqsiyaad ku caam noqday ku xadgudubka xaquuqda
Suxufiyiinta Somalia.
"Waa nasiibdaro,waa ceeb,waana taariikh madoow in
Wasiirka Warfaafinta Jibouti Ali Abdi Farah,meel ka dhac ku sameeyo sharafta
Saxaafadda Somalia.uuna garab fariisto nin ku caanbaxay ku qaraabashada magaca
Suxufiyiinta Somalia,iyadoo la ogyahay inuu dhacay,oo la goostay lacagtii ugu
dambeysay ee Doha Media Center siisay lix Weriye oo ka hoowlgala
Mogadishu"sidaasi waxaa yiri Gudoomiyaha Ururka Suxufiyiinta ASOJ Mr Dahir
Abdulle Alasow.
Mr Alasow wuxuu Dowladda Jibouti ugu baaqay inay joojiso
xadgudubyada sii kordhaya ee ay ku dhiirigelineyso shaqsiyaadka astaanta u
noqday ku xadgudbida xaquuqda Weriyeyaasha Soomaaliyeed.
" Ma jirto
Wakaalad warar oo ay Saxaafadda Madaxabanaan ee Somalia leedahay,walaalaheena
Jibouti waxaanu ka sugeeynaa taageero ay siiso Weriyeyaasha Soomaaliyeed ee
dalkeeda ku dhibaateeysan,waana ka digeeynaa in DJibouti noqoto halka laga
qaniina Suxufiyiinta Somalia ,lagana fuliyo danaha guracan ee lagu bahdilayo
magaca Suxufiyiinteena sharafta leh"ayuu Alasow ku dersaday
warkiisa.
Dahir A.Alasow mar uu ka hadlayay Omar Faruq iyo Nusoj wuxuu
yiri " Waxaanu Omar Faruk u naqaanaa calooshiis u shaqeeyste tuuga,oo wuxuu ahaa
ninkii Hotel 680 Nairobi ku xaday Hussein Jaabiri oo sariir uu jiifta
siiyay,uuna jeebkiisa ka siibtay baasaboorkiisii iyo kun lix boqol dollar,maaha
shaqsi sumcad ku dhexleh Suxufiyiinta Somalia laakiin wuxuu been kula nool yahay
ajnabiga aan aqoon"
By Sunni Said Saleh
Asoj Spokesman
[email protected]
[email protected]
Mogadishu-Somalia
Jibouti oo noqotay godka laga qaniino Suxufiyiinta Somalia.
Mogadishu 02 May 2009