
War-saxaafadeed xaalada Wariyeyaasha ku sugan Jabuuti iyo Aragtidooda.
Marka hore waxaan u mahad celineynaa shacabka iyo dowlada dalka Jibouti ee aan
walaallaha nahay mudadii aan ku sugneyn, sidii wanaagsaneyd ee ay inoola
dhaqmeen iyo sida ay inoogu soo dhaweeyeen dalka Jibouti.
Waxaan
cadeyneynaa in Wakaalada wararka madaxa banaan ee laga furey dalka Jibouti,
aaney ahayn mid ka tarjumeysa Ujeedada loo aas aasey, balse ay tahay mid looga
faa’iideyno Hogaanka Ururkaasi iyo xubno gaar ah oo Ururka NUSOJ ka
tirsan.
Waxaa kale oo cadeyneynaa in Hogaanka Ururka NUSOJ uu marin
habaabiyey ujeedada Wakaaladan, waxaana Hogaanka Ururka NUSOJ uu u isticmaaley
awood, qaabkii loo xuli lahaa wariyeyaashii looga faa’iideyn lahaa oo badidoodu
aan lagu wargelin furitaanka aas aaskeed iyo ka shaqeynteedaba oo ay sugayeen,
wixii ka dambeeyey markii uu Jibouti yimid mas’uul ka socda Ururka RSF, kaasoo
sheegey in Wariyeyaashu ay dhamaantood ka faa’iideysan doonaan Wakaalada cusub
hawlaheeda shaqo, Ururka NUSOJ-na uu yahay mid kor kala socon doono hawsha
Wakaalada.
Waxaa markhaati ma doonto ah, in laba wariye oo ka tirsanaa
Wariyeyaashii ku soo qaxay dalka Jibouti mooyee aaney jirin cid kale oo ka
faa’iideysatey hawsha Wakaalada, waxaana dalka Somalia laga keeney ilaa iyo 7
xubnood oo ka tirsan idaacadaha madaxa banaan ee ka hawlgala Magaalada
Mogadishu, halka wariyeyaashii joogey dalka Jibouti ee loogu talo galey inay ka
faa’iideystaana aan laga qaybgelin.
Dhamaan wariyeyaasha ku sugan dalka
Jibouti ee ka soo qaxey dalka Somalia waxay ku mideysan yihiin in xaqoodii iyo
xuquuqdii ay lahaayeenba uu is hor taagey Hogaanka Ururka NUSOJ oo sheegta in uu
u doodo dhamaan suxufiyiinya Soomaaliyeed, balse uu yahay NGO uu si gaar ah u
leeyahay Xog-hayaha Ururkaas.
Waxaan u sheegeynaa dhamaan Suxufiyiinta
Soomaaliyeed ee ku sugan dalka gudihiisa iyo dibadiisa inuusan na metelin wax la
yiraahdo Ururka NUSOJ oo u dooda xuquuqda Suxufiyiinta Soomaaliyeed, balse uu
yahay Urur ay ku shaqeystaan Suxufiyiin u dhaqma sida Hogaamiye Kooxeedka, waana
Urur had iyo jeer is hor taaga xaqa Suxufiga Soomaaliyeed iyo waxa uu caalamku u
ogolaado in uu ku caawiyo bahda saxaafada Soomaaliyeed.
Wariyeyaasha soo
saarey War-saxaafadeedkan ee ku sugan dalka Jibouti
1-Miikaahiil Rashiid
Barre oo ka hawlgeli jirey Shabeele.
2-Cabdullaahi Muuse Kalgacal Radio
Horn Afrik
3-C/qaadir Zubeyr Xaaji Xasan Shabeele
4-Farxaan Xareed
Maxamuud Radio TFG Baydhabo
5-Maxamed Nuur Macallin Johanis TFG
Baydhabo
6-Maxamed Macallin Cismaan (All-man) Website Somlitalk iyo
Ayaamaha News Press
By Sunni Said Saleh
Asoj Spokesman
[email protected]
[email protected]
Mogadishu-Somalia
War-saxaafadeed xaalada Wariyeyaasha ku sugan Jabuuti iyo Aragtidooda.
Mogadishu 02 May 2009