Dowladda cusub oo dooneyso inay Saxaafadda madaxabanaan afduubto.

0
Monday July 05, 2010 - 05:10:20 in Warar Af-Soomaali ah by Super Admin
  • Visits: 2471
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda cusub oo dooneyso inay Saxaafadda madaxabanaan afduubto.

    Mogadishu 8 March 2009

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mogadishu 8 March 2009

Agaasimeyaasha Warbaahinta ka hoowlgasha Magaaladda Mogadishu iyo Madaxda Ururka isu taga Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee ASOJ ayaa nasiib daro weyn ku tilmaamay in kulan ay la qaateen Wasiirka cusub ee Warfaafinta uu ku dhamaaday fashil ka gadaal markii uu Saxaafadda ku qanciyay inay u hogaansamaan gole gacan ku rimisa oo uu ku sheegay Golaha sare ee Qaranka Saxaafadda.

"Waa wax lala yaabo in Wasiirka cusub ee Warfaafinta uu la soo shir tago gole gacan ku rimisa oo uu leeyahay waxay metelaan dowladda,waana golaha sare ee Qaranka Saxaafadda Soomaaliyeed,waana nasiib daro taariikhiya inuu Saxaafadda ugu goodiyo in cidaan is diiwaangelin tilaabo laga qaadayo,iyadoo aysan jirin guddi sharciya oo labada dhinac ay wada dhisteen,Gudigga golaha sare ee Saxaafadda waxaa dhisi kara qeybaha Warbaahinta iyo ururada Saxaafadda Somalia,waana inay kadib u gudbiyaan Wasaaradda Warfaafinta si baarlamaanka ku meel gaarka u ansixiyo"ayuu yiri Gudoomiyaha Ururka isu taga Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee ASOJ Dahir Abdulle Alasow.



Dahir Alasow wuxuu tibaaxay in markii uu dhageystay Agaasimeyaashii Warbaahinta Mogadishu iyo Masuuliyiintii Ururada Saxaafadda ee ka qeybgalay shirka Wasiirka kadib uu telefoon kula hadlay Wasiirka Warfaafinta balse uu ayaan daro uu Wasiirka ku adkeeystay in Gole qaran la sameeyay, loona baahan yahay inay wax walba uga dambeeyaan golaha Warbaahinta Qaranka Somalia,waxa uu ku sheegay.

"Golaha muuqaalkiisu wuxuu nala yahay mid ay dowladda ku dooneyso inay ku afduubto Saxaafadda madaxa banaan,anigoo tixraacaya go-aanada qeybaha Warbaahinta Somalia waxaanu cod dheer ku leenahay nama quseeyo,mana u hogaansami doono gole dowladda cusub dhoodhoobatay,waxaana ku baaqeeynaa in Wasiirka Warfaafinta Mudane Farhan ka fiirsado tilaabo qaadkiisa ugubkaa"ayuu yiri Mr Alasow.

"Shaqsiyaadkii uu lahaa golaha Saxaafadda metela ayey madax u yihiin,waxaa dhacday inay madaxdii Warbaahinta ee shirka joogtay iyo Wasiirkii oo fadhiya dhahaan,wuxuu Xafiiskeena ku yaalaa Three Peino,oo ay tilmaamaan,intaas ayaana marqaati noogu filan inay yihiin koox jeebka dowladda uun ka soo baxday oo aanan ka warqabin"ayuu Dahir Abdulle Alasow si kooban ugu iftiinshay golaha intey hoowlwadeenada Warbaahinta ka ogtahay.

Associated Somali Journalists ASOJ iyo qeybaha Warbaahinta Mogadishu waxay isla ogolaadeen qodobadaan:-

1-Waa in Saxaafadda loo madaxbaneeyo doorasho ay ku dhistaan Golaha Sare ee Warbaahinta Qaranka Somalia si hadii qalad laga galo ay ula xisaabtamaan kooxdii ama qofkii ka gashay sidoo kalena u noqdaan gole metela Saxaafadda oo looga dacwoodo hadii ay dhacaan xadgudubyo ka baxsan anshaxa Saxaafadda oo ay ku kaceen Hay'adaha ama Weriyeyaasha qaar.

2-Golaha sare ee Warbaahinta Qaranka Somalia iyo Guddi metelaya Wasaaradda Warfaafinta TFG waa in si wadajir loo magacaabo si ay xeerka Saxaafadda ee dowladda uga saaraan qodobada ka hor imaanaya Xoriyadda Warfaafinta madaxa banaan.

3-Wasaaradda Warfaafinta waa inaysan ku deg degin amarada la xiriira inay Warbaahinta iyo Weriyeyaasha is diiwaangeliyaan,waana inay dib uga laabato go-aankeeda hanjabaada wato ee ay Saxaafadda xorta ugu yeertay,ilaa golaha sare ee Warbaahinta qaranka laga dhisayo,si loo dhiso gudiyadda Wasaaradda iyo golaha Warfaafinta ee shaqadooda ugu horeysa tahay turxaan bixinta xeerka Saxaafadda ee dowladda sameeysatay.

4-Wasiirka cusub ee Wasaaradda Warfaafinta waa inuu garwaaqsado Saxaafadda xorta,waana inuu tixgeliyo rabitaanka hogaanada sare ee Warbaahinta Somalia iyo Ururada ay ku mideeysan yihiin Weriyeyaasha Soomaaliyeed.

5-Saxaafada madaxa banaan waa inay gacan ka geysato sidii dalka nabad loogu dabaali lahaa,waana inay laba laabaan baahinta wararka lagu difaacayo dadka dimbi laabayaasha ee u badan Haweenka iyo Caruurta kuwaas oo maalin walba la baneeystay dhiigooda si ka baxsan Diinta Islaamka iyo xaquuqul insaanka.

6-Waa in la xoojiyo go-aankii Warbaahinta Somalia hore u qaadatay ee dhigayay inaan la buun buunin colaadaha sidoo kalena aan la baahin wararka shaqsiyaadka aan mansab la yaqaana heyn ee doonaya inay faafiyaan warar lagu qalqal gelinaa bulshadda dhibaateeysan.

7-Saxaafadda xorta waa inay xil iska saarto sidii ay xoriyadooda ku heli lahaayeen Weriyeyaasha ajnabi ee afduubka loogu heysto Mogadishu,waana inay si isku mida u iftiimiso kooxaha ama shaqsiyaadka ka dambeeyo dilalka,afduubyadda iyo barakicinta birimageydada Somalia sida shaqaalaha samafalka iyo Weriyeyaasha aan xirfad wadaaga nahay dalkastoo ay dunida u dhashaan.

8- Waa in Saxaafadda madaxa banaan Lawyer u qabsato Ra'isulwasaarre ku xigeenka Xukumadda ahna Wasiirka Kalluumeeysiga iyo Kheeyraadka badda Proff Abdi Rahmaan Ibbi oo Wareysi uu siiyay Horn Afrik Media ugu hanjabay Saxaafadda inay Xukumadiisa ula dagaali doonto sida hogaamiyeyaashii dagaalka ee Somalia.

9-Waa in Gudoonka sare ee baarlamaanka iyo madaxda bulshadda rayidka Soomaaliyeed cadeeyaan sababta ay Saxaafadda madaxa banaan ku wayday xubnahii ay xaqa u lahayd in baarlamaanka ay uga mid noqdaan maadama bulshadda rayidka la siiyay 75 Xildhibaan oo aysan Saxaafadda xubin ka helin.xaqna u lahayd 5 Xildhibaan sida heshiiskii DJibouti ee saami awood qeybsiga dhigayay.

10-Saxaafadda xorta Somalia Waxay beesha Caalamka iyo Ururadda Saxaafadda dunida ka codsaneysaa inaysan indhaha ka eegan Weriyeyaasha Soomaaliyeed ee ku dhibaateeysan dalalka la deriskaa Somalia iyo kuwa gudaha uga hoowlgelaya nafle caarinimada,waxaana ugu dambeyn u mahadcelineynaa Dowladaha iyo Hay'adaha astaanta u noqday caawinta iyo difaacida Weriyeyaasha Soomaaliyeed ee xoriyadooda ku waayay hoowlahooda shaqo.

By ASOJ Spokesman,Sunni Said Saleh
Associated Somali Journalists (ASOJ)
Mogadishu-Somalia (Office)
[email protected]
[email protected]


 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip