
ASOJ oo Cambareysay Wasiir ka tirsan Xukumadda cusub ee Somalia.
Ururka isu taga Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee ASOJ ayaa
cambaareeyay erayo hanjabaada oo Wasiir ka tirsan Xukumadda cusub ee
Ra'isulwasaarre Cumar Cabdi Rashiid Cali ugu goodiyay Saxaafadda
Somalia.
"Waxaanu ka xunahay in Proff Ibbi oo ah ,Ra'isulwasaarre ku
xigeen iyo Wasiirka Kaluumeeysiga u hanjabo Saxaafadda madaxa banaan,waana
nasiib daro in Xukumadda cusub masuul ka tirsan Madaxbanaanida Jaraa'idka durba
ku bilaabo handadaad,tani maaha mid la qaadan karo,waxaana ugu baaqeeynaa golaha
baarlamaanka inay jawaab cad ka bixiyaan meel ka dhaca Wasiir Ibbi"ayaa lagu
yiri Warsaxaafadeed uu soo saaray Ururka Suxufiyiinta ASOJ.
Gudoomiyaha
Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee ASOJ Dahir Alasow ayaa cambaareeyay cagajugleeynta
Wasiir Ibbi.
"Proff Ibbi weligiisba wuxuu ahaa afku dhiigle,wuxuuna ku
caanbaxay u hanjabida Saxaafadda,hada waxaanu ku baaqeeynaa in Xukumadda laga
saaro shaqsigaas garashada liito,kuna caanbaxay musuqmaasuqa"ayuu yiri Dahir
Alasow oo dhinaca kale xusay inaysan Saxaafadda ahayn dagaal
oogeyaal.
"Sida la ogyahay waxaa nagula heystaa oo noola ugaarsanayaa
taageerada aan nabadda siinay,waxaana la yaaba in dagaal Ooge Ibbi oo
taariikhdiisa la wada ogyahay nala mataalo dagaal oogayaal,taasi waa garasho
xumidiisa,wuxuuna wasaqeeyay magaca Xukumadda cusub ee Somalia"ayuu si caro leh
u yiri Dahir Abdulle Alasow.
Alasow wuxuu tibaaxay in Saxaafadda Somalia ku
shaqeeyn doonto xaalad kastoo oo wajahdo.
"Waxaanu u dhimaneynaa
Madaxbanaanida Saxaafadda,sida la ogyahayna walaalkeen Saciid Tahliil waxaa loo
dilay go-aankii taageerida nabada,waxaad moodaa inaan sedexdii sano ee ugu
dambeysay noqonay bartilmaameedka garabyadda siyaasadda isku hayo,laakiin
waxaanu diyaar u nahay inaanu dhimano anagoo xaqiiqada ka turjumeeyno"ayuu Dahir
Alasow warkiisa ku koobay.
Wasiirka Kaluumeysiga ahna Ra'isulwasaarre ku
xigeenka Xukumadda Federalka Somalia Proff Ibbi ayaa Idaacadda Hornafrik Wareysi
uu siiyay wuxuu ugu hanjabay saxaafadda isagoo xusay inay Saxaafadda uga
taqalusayaan si la mida hogaamiye kooxeedyadii dagaalka.
By:Sunni Saed Salah
ASOJ oo Cambareysay Wasiir ka tirsan Xukumadda cusub ee Somalia.
Mogadishu 4 March 2009