
Asoj oo ka walaacsan Weriyeyaal ku afduuban Mogadishu
Ururka isu taga Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee ASOJ ayaa walaac
ka muujiyay xaaladda weriyeyaal ajnabiya oo afduub lagu heysto
Mogadishu.
"Waxaanu xog ku heleeynaa in Weriyeyaasha u kala dhashay
Australia iyo Canada ee ku afduuban Mogadishu habeen walba xaafad la
geeyo,midkoodna uu cuntadii qaadan waayay sidaas darteed waxaan Saxaafadda
Somalia ugu baaqeeynaa inay u istaagaan sidii kooxaha afduubka ku heysto looga
sii deyn lahaa" ayaa lagu yiri War Murtiyeed laga soo saaray Xarunta ASOJ ee
Mogadishu.
Associated Somali Journalists waxay ceeb ku sifeeyeen in
Warbaahinta Mogadishu ka aamusnaato afduubka Weriyeyaasha ajnabi,waxayna ku
baaqday in cadaadis dhinac walbaa la saaro ilaa ay sharuud la'aan ku sii
daayaan.
"ASOJ waxay xaqiijineysaa in Weriyeyaasha ajnabi ku afduuban
yihiin degmadda Huriwaa Mogadishu gaar ahaan degaanada ay ka taliyaan xoogaga
hogaamiye kooxeedka Yusuf Indhacadde ka amar qaato ee Ex Control Balcad sidaas
darteed waxay ku baaqee inuu Yusuf Mohamed Siyaad Indhacadde gacan daacadnimo ka
geysto sidii Saxaafiyiinta ajnabi u heli lahaayeen xoriyadooda" ayey sidoo kale
tiri ASOJ.
Ugu dambeyn ASOJ waxay qeybaha Mogadishu gaar ahaan Odayaasha
Golaha Hawiye ka codsatay inay si wadajira ugu duubtaan sidii Weriyeyaasha
afduuban looga fujin lahaa kooxaha heysta.
Asoj oo ka walaacsan Weriyeyaal ku afduuban Mogadishu
Mogadishu 26 Fabaury 2009