
ASOJ oo sheegtay in Dr Omar Iimaan Iclaamiyay dagaal ka dhana Saxaafadda.
.
Dalladda
Isu taga Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee ASOJ ayaa Gudoomiyaha Xisbul Islaam Dr
Omar Iimaan Abuubakar ku eedeysay in khudbadiisii ugu dambeysay uu ku Iclaamiyay
dagaal ka dhana Saxaafadda Somalia xilli Warfidiyeenadda la xanuunsanayaa
xaqdaradii lagu dilay Agaasimahii HornAfrik Saciid Tahliil Ahmed,allaha u
naxariistee.
"Khudbadii uu Sabtidii la soo dhaafay jeediyay Omar Iimaan
ayaan si degan u dhageysanay,waxaana nasiib daraa inuu cadeeystay dagaalka uu u
qabo Saxaafadda madaxabanaan,wuxuu nagu eedeyay inaan la safanahay garab,oo
aanan dhex dhexaad ahayn,micnaha wuxuu yahay hala laayo Weriyeyaasha tebin waayo
Colaadaheena"ayuu yiri Gudoomiyaha ASOJ Dahir Abdulle Alasow.
Dahir Alasow
wuxuu sheegay inay cambaareeynayaan hadalada khalafsan ee Dr Omar Iimaan,wuxuuna
ugu baaqay Saxaafadda ku baxda afka Somaliga ee madaxa banaan inay u istaagaan
sidii shacabka dhibaateeysan uga xoroobi karaan kooxaha qandaraaslayaasha ee
colaadaha wado,dalkana looga hergeli lahaa dowlad Qaran oo ku filnaan kareeysa
rabitaanka qofkasta oo Wadaniya.
"Waxaan Saxaafadda madaxa banaan ee
Somalia,Somaliland,DJibouti ka codsaneynaa inay garab istaagaan shacabka
dhibaateeysan,ayna joojiyaan faafinta wararka shaqsiyaadka labo sano kadib
doonayo inay bulshada colaad u ehel noqoto,waxaana sidoo kale ku baaqeeynaa in
Warbaahinta iyo Weriyeyaasha isu kaashadaan sidii dalka Somalia nabad loogu
dabaali lahaa si hooyooyinka iyo Caruurta loo samatabixiyo"ayuu yiri Mr
Alasow.
Suni Saed
Salah
Email:[email protected]
ASOJ oo sheegtay in Dr Omar Iimaan Iclaamiyay dagaal ka dhana Saxaafadda.