
Weriyeyaal u kala dhashay Holland iyo Somalia oo kulmay +Sawiro .
Xoghayaha
Arimaha Bulshada ee Ururka Asoj Mohamed Osman Sheik Qadafi ayaa la kulmay Masuul
ka tirsan Ururka Suxufiyiinta Dalka Holland.
Kulanka Labada Wariye ee
Mohamed Osman Iyo Alfared Hoef ayaa waxuu Ku Saabsanaa Sidii Loo Caawin lahaa
Wariyayasha Soomaaliyeed ee Ku Dayacan Gudaha Somalia iyo Wadamada Deriska La ah
Somalia Sida Kenya Ethiopia iyo Somaliland .
Shirka ayaa Waxaa uu ahaa
mid ay diirada ku Saareen Dhibaatada Saxafiyiinta Soomaliyeed iyo Dhibatada Guud
ee Dalka ka Jirta.
ASOJ Secretary of Public Relations Mohamed Osman Sheik Qadafi ayaa
sharaxaad Dheer Ka Bixiyay Nolosha ay ku Noolyihiin Suxufiyiinta Soomaliyeed iyo
sida ay ugu Dhabar adeegaan Xaladaha Qatarta badan ee ay Ku
Shaqeeyaan.
Mr: Alfared Hoef oo ah Mid ka mid ah Wariyaasha ugu Caansan Dalka
Holland kana Mid ah Kuwooda ugu Firfircaan Arimaha Tababarada Iyo Siminaarada
wariyaasha ayaa Ka Hadlay sida ay ugu Haboon tahay ee Lagu Caawin Karo iyo Sida
Kor loogu Qaadi karo Aqontooda.
Mr: Alfared ayaa u balan qaaday inay U
Samaynayaan Wariyasha Somalida kuwooda Jooga Dalka Kenya Tababaro ku Aadan
Howlahooda Suxufinimo.
Mulki
Yusuf
Alkmaar, Holland
Weriyeyaal u kala dhashay Holland iyo Somalia oo kulmay +Sawiro .