
ASOJ oo war ka soo saartay wariyaal ku afduuban Somalia.
Ururka Isu taga Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee ASOJ ayaa Maamulka
Puntland ugu baaqay in la sii daayo Weriyeyaasha Ajnabiga iyo Somalida isugu
jira ee ku afduuban Magaaladda Boosaaso.
Gudoomiyaha ururka ASOJ Dahir
Abdulle Alasow ayaa Warsaxaafadeed uu ka soo saaray Holland ku cambaareeyay
falka lagu afduubtay Suxufiyiinta madaxa banaan ee hoowlahooda shaqo
gudanayay.
"Waxan
ugu baaqaynaa maamul goboleedka Puntland inay ku dadaalan sidii ay kusii deyn
lahayeen wariyaasha lagu afduubtay deeganada ay ka taliyaan,waxaana leenahay
awoodiina oo dhan saara" Ayuu yiri gudoomiyaha ASOJ.
Dahir Alasow ayaa
maamulka Puntland ku adkeeyay inay xil ilaalin amaan iska saaraan Weriyaasha
Ajnabiga ee degaanadooda u taga hoowlahooda shaqo.
Puntland waxaa ku
afduuban Weriyeyaal Ajnabiya oo midkood uu ka tirsan yahay Wargeyska Daily
Telegraph,sidoo kalena labo Somalia oo la shaqeeynayay ayaa la
afduuban.
Maxamed C/nuur Maxamed
"sacudi"
[email protected]
ASOJ oo war ka soo saartay wariyaal ku afduuban Somalia.
Holland, November 29, 2008—