Dallladda ASOJ oo xariga Weriye Xadiis ku tilmaamtay xasaasiyad.
Dalladda Isu taga Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee ASOJ ayaa Xukumadda Somaliland ugu baaqday inay sharuud la’aan ku sii deyso Saxaafigga Xadiis Mohamed Xadiis oo maalintii 5-aad qaab ka baxsan xeerka dalka ugu xiran xarunta C.I.D Hargeysa.
“Xariga Weriye Xadiis Mohamed Xadiis wuxuu Somaliland
ka bixinayaa muuqaal qaldan,maxaa yeelay wuxuu yahay Weriye ku nool sanado badan
una dhashay Koofurta Somalia.waxaan ugu baaqeeynaa Xukumadda inaysan abuurin
xasaasiyad nuuc kasta,lana sii daayo Weriyaha”ayuu yiri Gudoomiyaha ASOJ Dahir
Abdulle Alasow.
Dahir Alasow wuxuu sheegay inay adkeynayaan baaqa
Gudoomiyaha Dalada Suxufiyiinta Somaliland ee USJ Cabdilaahi Maxamed Daahir,kaas
oo uu ku sheegay in Saxaafiga xoriyadiisa la siiyo ama Maxkamad la horgeeyo sida
dastuurka Qaranku dhigayo.