
Dahir Alasow” Khilaafka u dhaxeeyo gabdhaha Saxafiyiinta waxaan ka gaarnay qaraar”.
Gudoomiyaha Ururka isu taga Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee
ASOJ ayaa shaaca ka qaaday in la soo afjarayo khilaafka la buun buuniyay ee ka
dhex jira gabdhaha Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee ku sugan
Nairobi.
“Hogaanada labada Urur ee WOJA iyo DUWJA waan la hadlay,waxaana
ku wargeliyay inaan qaraar ka gaarnay khilaafkooda,sidaas daraadeedna,waxay naga
balanqaadeen inay u hogaansamayaan,waxaana dhawaan la qabanayaa xaflad ay si
buuxdo isugu cafinayaan si ay u wada shaqeystaan,isuna caawiyaan” ayuu yiri
Dahir Alasow .
Dahir Abdulle Alasow oo war ka soo saaray Paris wuxuu xusay inuu isaga shaqsiyan taageerayo sidii gabdhaha Saxaafadda Somalia uga bixi lahaayeen liidnaan iyo xaqiraad looga takooray qabashada hogaan saxaafadeedyadda Somalia.
“Shaqsiyaadkii gabdhaha Saxaafadda weligood ku taagnaa ayaa maantana ka dhex shaqeeynaayo,taas ma sii shaqeeyn kareeyso,waxaana ugu baaqayaa dhamaan hablaha Saxaafadda Somalia inaysan meel kaga dhicin magacooda wanaagsan oo noqdaan kuwa isku duubni ku wada shaqeeya” ayuu yiri Gudoomiyaha ASOJ Mudane Dahir Alasow.
“Xamdi Maxamed Kediye iyo Fardowsa Kuuriya waa labadeeyda gacmood,waxaana ku faraxsanahay dhamaan gabdhaha la kala safan oo aan isku asxaab nahay,waxaan leeyahay hoowl culus ayaa idin sugeyso,waana inaad ka gudubtaan ciladahii Ragga looga bartay ee is naceybka iyo hab dhaqanka hogaamiye kooxeedyadii Muqdisho ama horboodayaasha Saxaafadda” ayuu ku soo afjaray Warkiisa Mr Alasow
ASOJ Secretary of Public relations
Mohamed Osman Sheik Qadafi
Amestradem- Holland
[email protected]
Dahir Alasow” Khilaafka u dhaxeeyo gabdhaha Saxafiyiinta waxaan ka gaarnay qaraar”.