Dunia Women Journalists Association oo tababar u qabatay 50 Suxufiyiin+ Daawo sawiro
Tababar saxaafadeed oo ay ka qayb qaateen 50 suxufiyiin
Soomaaliyeed loogana hadlayayay tayaynta mihnada saxaafadeed ee dumarka iyo
doorkooda nabadaynta ayaa lagu qabtay hotelka barakaat ee magaalada
Nairobi.
Tababarkaan waxaa soo qaban qaabiyay ururka Suxufiyiinta Dunia
Women Journalists Association kaasoo dhawaan looga dhawaaqay Magaalada Nairobi
waxaana ka soo qayb galay qaybaha kala duwan ee saxaafada
furitaankii tababarkan waxaa ka qayb galay gudoomiyaha ururka haweenka Cocwo Shariifa cadoow oo iyadu hadalo kooban oo ku saabsan arigtida ay ka qabto ururka ka jeedisay iyo sida ay haweenka saxafiyiinta ahi ugu dhabar adaygeen in ay ku shaqeeyaan xaalada qalafsan ee soomaaliya.
waxaa sidoo kale ka hadlay gudoomiyaha hay'ada INXA Cabdi naasir Axmad Cusmaan,madaxa ururka SSWC Aamina Xaaji Cilmi iyo Gudoomiyaha hay'ada Peace foundtion luul Faarax,Gudoomiyaha hay'ada xaquuqul insaanka Ismaaciil Jimcaale Maryan Awreeye, Nuuro Cabdulaahi inter peace iyo David Mangiira u qaybsanaha arimaha bulshada dowlada kanada ee dalka kenya oo dhamaantood ka hadlay haweenka saxafiyiinta ah kaalinta ay bulshada kaga jiraan iyo doorka firfircoon ee ay ku dhex leeyihiin Saxaafada
Tababarka oo
socday mudo hal maalin ah waxaa casharada bixinayay macalimiin Soomaaliyeed oo
caan ka ah saxaafada Soomaaliya oo ay ka mid ahaayeen Ustaad black, Khadiija
Mayoow Abuukar,Cabdulqaadir barnaamij iyo Yaasiin Ciise Wardheere .
Gudoomiyaha ururka Dunia Women Journalists Association DUWJA Hamdi
Mohamed Kediye ayaa ka hadashay hadafka ururkaasi iyo ujeedooyinka ay u aasaseen
waxayna sheegtay inay sare u qaadayaan aqoonta Saxafadeed ee dumarka iyo
garaadkoodaba,waxaana halkaas lagu gudoonsiiyay shahaadooyin dumarkii ka qayb
galay tababarkaas.
Daawo
Sawirada Kale ee Xaflada ururka Suxufiyiinta Dunia Women Journalists
Association
Fu-aad Mohamed
Elmi(Deeqsi)
Nairobi-Kenya
Dunia Women Journalists Association oo tababar u qabatay 50 Suxufiyiin+ Daawo sawiro