Ururka Suxufiyiinta ASOJ oo baaq ujeediyay Xukumadda iyo Warfidiyeenadda Somaliland.
Gudoomiyaha Ururka isu taga Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee ASOJ Mr Dahir Abdulle Alasow ayaa baaq dhaxal gala u kala diray Xukumadda iyo Warfidiyeenadda Madaxa banaan ee Jamhuuriyadda Somaliland.
“Xukumadda iyo Warfidiyeenadda
Somaliland waxaan ugu baaqi lahaa inaysan lumin miisaanka dimoqoraadiyadda,ayna
tusaale wanaagsan u qaataan garasho xumida heerka ay gaarsiisay geyiga koofurta
Soomaaliya” ayuu yidhi Gudoomiyaha ASOJ Mr Alasow.
Dahir Alasow wuxuu Xukumadda Somaliland ugu baaqay
inay sharuud la’aan ku sii deyso Weriye Foosi ayna gacan ka geysato sidii gudiyo
kala metelaya Wasaaradda Warfaafinta Somaliland iyo Dallada Midowga Suxufiyiinta
Somaliland loo dhisi lahaa si wadajir loogu gorfeeyo,maxaa saxa maxaase
qalada.
“Saxaafadda Somaliland waan ugu baaqi lahaa inaysan halis ku
noqon horumarka iyo geeddi socodka dimoqoraadiyadda Somaliland,waxayse
sharciyadu tahay in Xukumadda tixgelin siiso oo tilaabo kasta kala tashato Union
Of Somaliland Jornalistis (USJ)) si aysan meel ka dhac ugu sameeyn xeer
sharafeedka Saxaafadda ka dhigaya awooda afaraad ee Dalka” ayuu
Warsaxaafadeedkiisa ku koobay Dahir Abdulle Alasow oo dhinaca kale hambalyo
gaara u diray madaxda Dalladda Suxufiyiinta USJ oo uu ku sifeeyay hoowlwadeeno
sumcad wanaagsan ku dhex leh bulshada lagana sugayo inay dhexda u xirtaan sidii
Saxaafadda Somaliland u noqon lahaayeen ul iyo diirkeed.
Sunni Said Saleh