ASOJ oo Yusuf Indhacadde ugu baaqday inuu sii daayo Weriyeyaasha Ajnabi.
“Adigoo tixgelin siinaya madaxbanaanida Saxaafadda iyo dhexdhexaadnimada aan ku hoowlgeleyno xilliga adag,waxaan kuugu baaqeynaa inaad sharuud la’aan ku sii deysid Weriyeyaasha ajnabi ee Maleeshiyadaada u afduuban”ayaa lagu yiri Warsaxaafadeed Associated Somali Journalists ka soo saartay Muqdisho.
Xafiiska ASOJ Muqdisho ayaa Warsaxaafadeedka ku xusay inuu yahay mid ay soo saareen ka gadaal dabagal dheer oo ay ku xaqiijiyeen in garabka Yuusuf Indhacadde afduubteen labada Weriye taasna ay tahay mid aan indhaha laga qarsan Karin.
“Saxaafiyiinta Soomaaliyeed dhamaan way ka xun yihiin in dalkooda lagu afduubto Weriyeyaal ajnabi oo gudanaya waajibaadkooda shaqo,waxaana si toosa u cambareynaa falka guracan ee lagu afduubtay ajnabiyiinta”ayaa nuqulka hoose lagu soo afjaray Warsaxaafadeedka Ururka ASOJ.
Degaanada Muqdisho iyo Shabeeladda dhexe ee loo barakacay waxaa lagu afduubtay samafalayaal ajnabi iyo Somali isugu jira kuwaas oo qaarkood laga maqaashay ,lagana qaatay Malaayiin dollar halka tiro kalana weli lagu heysto afduub.
Abdisalaan Abdulle Alasow
[email protected]
|
ASOJ oo Yusuf Indhacadde ugu baaqday inuu sii daayo Weriyeyaasha Ajnabi.