Kulan looga hadlayay Saxaafadda Soomaaliya oo ka dhacay Holand,daawo sawiradda.
Kulan balaaran oo looga hadlayay Tacadiyadda Saxaafadda Soomaaliya iyo kaalinta
ay ka qaadan karaan xal u helida xaaladda Soomaaliya ayna soo qaban qaabisay
Hay’adda Dalmar Foundation ayaa ka dhacday Magaaladda Denhage ee Dalka
Holand.
Kulanka Denhage oo ay ka qeybgaleen qaar ka
mida Weriyaasha ugu caansan Soomaaliya ee Ururka isu taga Suxufiyiinta
Soomaaliyeed ee ASOJ ayaa wejigiisa hore ee qadada wuxuu ku biloowday isbarasho
guud oo ay isku baranayeen Madaxda Dalmar Foundation iyo Weriyaasha Soomaaliyeed
ee ASOJ kuna nool dalka Holand,waxaana wejigii 2-aad loo gudbay dood la
xiriirtay kaalinta Saxaafadda Soomaaliya ka qaadan karo xal u helida xaaladaha
murugsan ee Soomaaliya iyo dariiqa ugu haboon ee loo mari karo.
Cabdi Maalik Yusuf oo ka mida madaxda
Dalmar Foundation ayaa Weriyaasha uga warbixiyay waxqabadka Hay’adda Dalmar
Foundation iyo dareenkeeda dhinaca Warbaahinta,wuxuuna sidoo kale Weriyaasha ku
casuumay inay booqdaan Xarumaha Radio Dalmar ee Denhage iyo Amestradem maadama
ay tahay idaacadii ugu horeysay ee ku baxda afka Soomaaliga lagana hergeliyay
dalka Holand.
“Waxaynu idinkuugu casuunay kulankaan inaan
is aragno maadama aan dalka idin kaaga soo horeynay,waxaynu ujeedadu tahay sidii
aan isaga kaashan lahayn horumarinta Saxaafadda sidaas darteed,waxaan idin
leeyahay ku soo dhawaada Holand gaar ahaan Xarunta Dalmar Foundation”ayuu yiri
Cabdi Maalik Yusuf oo dhinaca kale xusay inay ka xun yihiin tacadiyada lagula
kaco Saxaafiyiinta ee sabab u noqotay inay badankood amaan xuma uga soo cararaan
dalkii Hooyo.
“Dalmar Foundation waxay leeyihiin
Radio,xarumo waaweyn waxay ku leeyihiin Denhage iyo Amestradem,waxay sameeyaan
ducoments Video ka hadlaya xaalada Soomaaliya,waxay bixiyaan tababaro gudaha
Somaliya iyo wadamada yurub,waxay caawiyaan dhalinyarada,waxayna ku caawiyaan
inay dhaqanka wax ka baraan,.waxay leeyihiin Radio Dalmar,waxaa barnaamijyada ka
baxa ka mida RADIO DALMAR KA BARO LUQADA NEDERLANDSE” sidaas waxaa ku warbixiyay
Asad Maxamed
“Inaad Holand noogu timaadaan waan ku
faraxsanahay waana ka xunahay,waxaan ula jeedaa ,waxay ahaydeen ilahii aanu
warka gudaha ka heli jirnay,taas ayaan uga xunahay hadana dhinaca kale waan
idinku faraxsanahay oo runtii waan u baahanahay wada shaqeyntiina iyo inaad reer
Holand noqotaan”ayuu yiri Xasan Daa’uus oo ka mida hoowlwadeenada ku xeeldheer
dhinaca Saxaafadda ee Dalmar Foundation.
Xoghayaha Xiriirka arrimaha bulshadda ee
ASOJ Mudane Maxamed Cismaan Sheekh Qadaafi oo ka hadlay kulanka ayaa sheegay in
tacadiyada ay la kulmaan Weriyaasha Soomaaliyeed gaar ahaan Muqdisho ay ka
dhigan tahay kuwa naxdin badan oo nolosha iyo xaquuqda Saxaafiga hareer
marsan
“Wuxuu ujeedkeenu yahay inaan bal wax badan
isla gorfeeyno,waxaana dooneynaa inaad war naga siisaan dhibaatadii aad kala
kulanteen Muqdisho ee shaqadiina Saxaafadeed maxaa yeelay anagu dalkii waxa ka
dhacaya hoos uma maqalno ee warbaahinta keliyaan kala soconaa”ayuu yiri Mr Asad
Maxamed oo ka mida madaxda Dalmar Foundation ee leh aqoonta Saxaafadda kuna
shaqeeya.
Iman Icar Dalmar oo ka mida madaxda
Dalmar Fundation ahna rug cadaa Saxaafadeed ayaa ka sheekeeyay taariikhda
Saxaafadda Soomaaliya iyo waxqabadka Dalmar Foundation isagoo xusay inay
dareemayaan guud ahaan xaaladaha ay ku sugan yihiin shacabka Soomaaliyeed gaar
ahaan Weriyaasha Soomaaliyeed.
“Waxaan ku faraxsanahay in kulankeena ay
nagala qeybgalayaan gabdha metelaya Saxaafadda Soomaaliya maxaa yeelay kulamadii
aan ka qeybgeli jiray waxay ahaayeen kuwa u badan,tani waa mid lagu
farxo,waxaana jeclahay inaan karaankeey idinku garab istaago hindisayaasha ka
soo baxa kulankaan”ayuu yiri Awes Mohamed oo ka mida aqoonyahanada Soomaaliyeed
ee hada ku nool Dalka Ingiriiska,kana mida Hay’ada Dalmar Foundation.
Gudoomiyaha Ururka isu taga Suxufiyiinta
Soomaaliyeed ee ASOJ Dahir Abdulle Alasow ayaa madaxda Dalmar Foundation kaga
mahadceliyay qado iyo casha sharafta ay u sameeyeen,wuxuuna ku tilmaamay mid
taariikhiya waloow uu dhinaca kale xusay inaysan ahayn kulankii ugu horeeyay ee
Dalmar Foundation casuunto Weriyaal Soomaaliyeed.
“Waxaan idin kaga mahadcelinayaa
martiqaadkiina qiimaha badan anigoo ku hadlaya dhamaan magaca Weriyaasha
Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa ku sugan dalka Holand ee aad Casuumaada u
sameeyseen,dabcan maaha mid idinku cusub maxaa yeelay waxaan xasuustaa kulankii
aad u qabateen Weriyaasha Yurub iyo Mareykanka ku nool ee Soomaaliyeed intii u
dhaxeysay 2003 ilaa 2004”ayuu yiri Gudoomiyaha Ururka ASOJ Dahir Abdulle
Alasow.
Dahir Alasow wuxuu sheegay inay dhibaato
heysato Weriyaasha Soomaaliyeed ee ku nool gudaha dalka iyo dalalka la deriskaa
sida Somaliland,Itoobiya,Uganda iyo Kenya,wuxuuna hoosta ka xariiqay inay muhiim
tahay in gurmad dhaba loo fidiyo maadama ay u dhaxeeyeen laba
kooxood.
“Saxaafadii
Soomaaliya waxaa sameystay ganacsato aan badankood aqoon u lahayn sharciga
Saxaafadda,waxayna taas lumisay sharaftii Saxaafigga baahan ee aan ka maarmin
inuu ku shaqeeyo qaab u dhigma gumeysi,waxaa xaaladaha nuucaasa sii murjiyay
kooxaha isku haya Soomaaliya oo bartilmaameedsanaya Saxaafadda,runtiina way ila
tahay in xooga la saaro sidii xaaladaha nuucaasa wax looga qaban lahaa”ayuu yiri
Dahir Alasow.
Inkastoo ay doodo kulul ka jeediyeen
kulanka Weriyaal caana oo ay ka mid yihiin Maxamed Cismaan Sheekh Qadaafi,Shukri
Macalin Cabdi Raxmaan(Shukri Shuute) Farxiyo Maxamed Maxamud (Farxiyo Sabaax)
Maxamed Axmed Cali Sandiir,Cabdi Raxmaan Guurre (Gentlemen) Axmed Cabdi Wahaab,
hadana waxaa la isla afgartay in kulan kale dib loo kulmo si loo meelmariyo wax
ka qabashada ajandayaasha laga hadlay oo kala ah:-
1-Sida ugu haboon ee Saxaafadda gacan uga
geysan karto badbaadinta dalka ee dhinaca Warbaahinta
2-Sida ugu haboon
ee wax loogu qaban karo Saxaafiyiinta ku dhibaateysan gudaha Somaliya iyo
dalalka la deriska
3-Sida wax looga qaban karo dhibaatooyinka lagala
kulmo ganacsatada iska leh Warbaahinta Soomaaliya ee Saxaafadii ka dhigay mid ku
shaqeysa danahooda gaarkaa oo ay fuliyaan shaqsiyaadka ay maamulada u
dhiibteen
4-Sida ugu haboon ee loo ciribtiri karo in Weriyaasha qaarkood
ku shaqeeyaan xaalado qabiil halka looga baahan yahay mid heer Qaran iyo
madaxbanaanida Saxaafadda.
Kulan looga hadlayay Saxaafadda Soomaaliya oo ka dhacay Holand,daawo sawiradda.