ASOJ oo soo saaray warsaxafadeed ay ugu tala gashay maalina saxafada somaliya
Warsaxafadeed ay soo saaray
ururka suxufiyinta somaliyed ee ASOJ oo ku aadanayd maalinta saxafada somaliya
ayaa ugu hadlayay dhibaatoyinkii iyo tacadiyaadii ka dhacay wadanka somaliya ee
loo geystay bahda saxafada soomaaliyeed.
War saxafadeedkaasi oo ka koobnayd ilaa 8-bog ayaa waxaa
lagu xusay in sanadkii tagay ee 2007 uu ahaay sanadkii ugu dhibatada badnayd ee
soo marta saxafiyiinta iyo saxafa somaliyed, isla markaane loo geytay tacadiyo
ka dhan ah xoriyatul qowlka oo lagu caburinayo howshooda shaqo.
Waxa
lagu sheegay warsaxafadedka in la dilay wariyaal gaarayo 8-qof, sidoo kalane la
xir xiray wariyaal ka howl gala saxafada iyo warbahino madaxbanaan, jirdilo iyo
dhaawacyane loo geystay saxafiyiin somaliyed kuwaas oo jirin cid wax ka qabatay
ama tilaabo ka qaaday cidii fulisay.
Warsaxafadedkaan uu ku
sixiixnaay ku-Simaha Gudoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliyed ee ASOJ Maxamed
C/nuur Maxamed (Sacuudi) ayaa lagu sheegay in kooxaha ku dagalamayo wadanka
somaliya gaar ahaan dowlada federalka ee ka talisa qeybo badan oo wadanka
somaliya ay dhibaatoyin bareer ah u geysatay saxafada somaliya.
Waxa
ay warxafadeedku wuxuu sidoo kale xusay in kadib markii ay dowlada federalka oo
kaabayaan ciidamada itobiya ay kala wareygtay qeybo badan oo koofurta somaliya
maxaakintii islaamka ee ka talin jiray ay bilwday iney xirto warbaahino xor ah
iyo wariyaal ka shaqeyo saxafada si sharci daro ah oo geedna loogu soo
gamban.
Warsaxafadedka ay soo saartay
ururka ASOJ ayaa lagu sheegay in loo gudbiyay hanjabaadyo wariyaal ka howlgala
gudaha somaliya oo loogu sheegayo in la dili doono hadaysan joojin baahintooda
madaxa banaan ee ku dheehan soo gudbinta xaqiiqda taagan iyo dhibaatoyinka ku
dhacayo shacabka somaliyed ee lagu dul dagalamayo, taasi oo u hanjabayeen
kooxaha kala duwan ee isku haya wadanka somaliya.
Wadanka somaliya oo ka jirto
saxafad xor ah ayuu sheegaysaa warsaxafaded ururka saxafiyiinta somaliya ee ASOJ
iney ka xunyihiin in dowlada federalka ay caburin u geysato bahda saxafada
iyadoo sheeganaysa iney tahay dowlada dimuqradiyad ku dhisayn oo u adeygaysa
saxafada somaliyed.
ASOJ
ayaa waxey codsatay in lasoo daayo wariyaasha u xirxiran maamulka dowlada
fderalka iyo maamul goboledyada sida kan puntland oo xabsiyadooda ku jiraan
wariyaal aysen jirin wax cad oo lagu haysto lana soo taagin maxkamad, kuwaa oo
laga qaaday xuriyadi ay lahayeen.
Waxa
uu soo dhaweeyay hadaladii kala gaarka ahaay ee kasoo baxay ra?isul wasaraha
cusub ee dowlada federalka nuur cadde iyo wasiirkisa warfaafinta axmed c/salaan
ee ku sheegayn in aysen jirin doonin wax caburin ah oo lageysan doono saxafada
xorta ah ayna ka hortagi doonaan cidkasta ee wada caburin ay ku sameynayso
saxafada madaxa banaan. .
Waxay
ururka ay ku midaysan yihiin suxufiyinta somaliyed ee ASOJ balan qaaday inay la
shaqeyn doonan xukuumada cusub iyo wasarada warfaafinta, iyagoo balan qaaday
iney ilaalin doonan shuruucda iyo anshaxa u yaalo saxafada xorta ah.
Somaliya ayaa waxa ka dhacay
sanadkii tagay tacadiyo baraaran oo loogeystay saxafada xorta ah ee somaliya,
waxeyna sanadkii tagay noqotay wadanka labaad ee aduunka ku dhibataysan yihiin
saxafada xorta lana caburiyo.
Waxaa
iskaga hayaamay wadankoodi somaliya wariyashi ugu badnaa ee abad ka taga
wadanka, kuwaas oo gaaray wadamada u dhawdhaw somaliya oo ka mid tahay jabuti,
Kenya iyo yugandha
Ugu
danbeyntii Ururka ay ku mideysan yihiin ururka suxufiyinta somaliyed ee loo soo
gaabiyo ASOJ ayaa waxa uu u rajeeyay wariyasha somaliyed in sanadka cusub ee
2008 iney jka bixi doonaan dhibatoyinka iyo caburinta ay la kulmayn sanadkii
tagay isla markaane uu noqon doono sanadkaan mid ay ku diirsadaan
Waxa ku saxiixan Warsaxaafadeedkaan , Ku-Simaha Gudoomiyaha Ururka ASOJ Maxamed C/nuur Maxamed (Sacudi)
Xasan
cumar maxamed baaffo.
ASOJ oo soo saaray warsaxafadeed ay ugu tala gashay maalina saxafada somaliya