Shabaabka oo ku hanjabay inay dilayaan Wariye Dahir Alasow.

0
Monday July 05, 2010 - 04:56:20 in Warar Af-Soomaali ah by Super Admin
  • Visits: 2754
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shabaabka oo ku hanjabay inay dilayaan Wariye Dahir Alasow.

    Xoogaga Shabaabka ayaa ku hanjabay inay dilayaan oo ku raadjoogaan Wariye Dahir Abdulle Alasow (Dahir yare) oo tifaftire ka ah website-ka Waagacusub.com oo ka mida Shabaakadaha Somalida kuwa ugu afka dheer ee wax ka qora arrimaha xasaasiyada xambaars

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xoogaga Shabaabka ayaa ku hanjabay inay dilayaan oo ku raadjoogaan Wariye Dahir Abdulle Alasow (Dahir yare) oo tifaftire ka ah website-ka Waagacusub.com oo ka mida Shabaakadaha Somalida kuwa ugu afka dheer ee wax ka qora arrimaha xasaasiyada xambaarsan.
 


Website-ka ku hadla Afka Shabaabka ee www.almujaahid.com ayaa la soo dhigay sawirka Dahir Alasow iyo Warbixin loogu hanjabayo iyadoo lagu eedeynayo inuu faafiyay warbixin ku saabsan khilaaf kala dhexgalay madaxda Shabaabka oo sababay in xilkii laga qaado Mukhtaar Rooboow Cali (Abuu Maansuur) oo hore u sheegtay inuu yahay Afhayeenka Xarakadda dhaqdhaqaaqa Shabaabka ee ka dagaalama Muqdisho.


sidoo kalana cambaareeyay Isbahaysiga dib u xoreynta Soomaaliya.

“Abuu Maansuur wuxuu ii soo diray Email iyo telefoono fara badan,wuxuu iigu hanjabay inuu I dilo doono laakiin waxaan ugu jawaabay Ilaaheey igama xigtid,mana tihid malakul Jabriilka nafta qaada”ayuu yiri Dahir Alasow oo ah Gudoomiyaha Ururka isu taga Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee ASOJ iyo Tifaftiraha guud ee Waagacusub.com

Dahir Abdulle Alasow wuxuu sheegay in Salfudeedka Shabaabka uu yahay kan sabab u noqday dhibaatooyinka ka jira dalka Soomaaliya ee shacabka Soomaaliyeed lagu xasuuqayo,wuxuuna xusay in dhaqanka lagu yaqaan ay ka mid tahay in muslimiinta ay ku laayaan waa jaajuus iyo gaalbuu telefoon kula hadlay,wuxuu salaamay Wasiir hebel.taasna maaha mid shaqo ku leh diinta Islaamka ee nasteexadaa laakiin waxaa laga yaabaa inay ku dhaqmayaan Kitaab Afghanistan looga qoray.

“Abuu Maansuur iyo Shabaabkaba waxay Saxaafadda Soomaaliya gaarsiiyeen heer aan wax laga sheegi Karin,waxaana la waayay xitaa cid dhahdo Abuu Maansuur wuxuu ku jiraa liiska ragga Mareykanka baadigoobayaan ee argagixisada ay ku dareen,waxaanse u arkaa hanjabaadiisa mid muujineyso dhaqankiisa guracan”ayuu yiri Dahir Alasow oo ka jawaabayay hanjabaada Abuu Maansuur.

Dahir Alasow ayaa Muqdisho isaga hayaamay bartamaha bishii May ka gadaal markii Dowlada Federalka iyo xoogaga Shabaabka u hanjabeen,wuxuuna mudo ku sugnaa Hargeysa isagoo haatan ku nool Dalka Kenya.

Dowlada Federalka ayaa Hanjabaad la mida tan Shabaabka u jeedisay Dahir Alasow kadib markii uu 13-kii October ee sanadkaan faafiyay warbixin la xiriirtay in khilaaf weyn kala dhexgalay Madaxweyne Yusuf iyo Ra’isulwasaarre Geeddi,uuna Cabdulahi Yusuf doonayo inuu xil ka qaadis ku sameeyo Cali Geeddi

Wariye Dahir Abdulle Alasow oo mudo laga joogo labo sanadood kuna beegneed 01.12.2005 ay Maxkamada Alfurqaan ku riday xukun la xiriiray sedex bilood oo xariga hasse yeeshee gaashaanka ayuu ku dhiftay kadib markii dood ay qabanqaabisay Idaacadda Banaadir lagu kulan siiyay Gudoomiyahii Maxkamadii Islaamiga Alfurqaan Sheik Axmed Macalin Yusuf iyo Tifaftiraha Waagacusub.com Dahir Alasow. http://www.qarannews.com/show/7359.html

Wariye Dahir Alasow waxaa uu caan ku yahay faafinta warar ay inta badan ka baqdaan Saxaafadda Soomaaliya iyadoo taas ka dhigtay website-ka uu maamulo midka ugu akhristayaasha badan.

Sanadkaan gudahiisa Soomaaliya waxaa lagu dilay 8 Wariye inkale oo badana waa lagu dhaawacay halka boqol Wariyeyaalana ay isaga qaxeen dalka.


Ururka isu taga Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee ASOJ ayaa cambaareeyay Hanjabaada Shabaabka ay ku hanjabeen inay dili doonaan Tifaftiraha guud ee Waagacusub Media Dahir Alasow.

Sheikh Mukhtar Rooboow Abuu Maansuur ayaa ka mida lixda nin ee Soomaalida u dhashay uuna Mareykanka ku daray liiska argagixisada Caalamigaa ee ku sugan Somalia

http://www.state.gov/p/af/rls/fs/2007/79383.htm




Siciid Cumar Baaffo

[email protected]



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip