Ururka Suxufiyiinta WAJ oo Wacdaro ka dhigay Kismayo,daawo Sawiradda
Ururka isu taga Suxufiyiinta Waamo ee loo yaqaan WAJ ayaa markii ugu horeysay xaflad balaaran ku qabtay Magaalo Xeebeedka Kismayo ee Jubooyinka.
Xafladaas oo ay qaban qaabiyeen Masuuliyiinta sare ee
Wamo Association Journalists {WAJ} waxaa ka qeyb galay ku simaha Gudoomiyaha
gobolka Axmed Cabdi Cumar sandheere, ku simaha duqa Magaalada Kismayo Maxamed
Nuur Xasan Gacmadheere,Gudoomiyaha Ururka Xaquuqul Insaanka ee FAHRO Cali Baashi
Cabdulaahi Cigaal,Masuuliyiinta waxbarashada gobolka,Ururada haweenka iyo
dadweyne aad u fara badan.
Suxufiyiinta
Waamo waxay munaasabadaasi ku faahfaahiyeen wax qabad kooda iyo sida ay u
doonayaan in jubbooyinka ay uga shaqeeyaan iyagoo tilmaamau in hadafkooda ugu
weyn uu yahay sidii ay isugu xirnaan lahaayeen dhamaan Suxufiyiinta goboladda
Jubadda dhexe iyo Jubadda hoose.
“Waxeynu ka soo horjeednaa tacadiyada loo geysanayo
Suxufiyiinta Soomaaliyeed meel walboo ay ka howlgalaan waxaana la wada ogyahay
in Somalia wariyeyaasha ka howlgala loo geysto Dilal, Xarig iyo handadaad
taasina waa mida aynu dooneyno in aanu ka hortagno”ayey tiri Gudoomiyaha Ururka
isu taga Suxufiyiinta Waamo Mrs Laylo sheikh Aadan oo munaasabadaasi ka jeedisay
khudbad dhinacya badan oo ka turjumeysay aragtida Ururka ay ku midoobeen
Suxufiyiinta Waamo.
Ku
simaha gudoomiyaha gobolka jubada hoose Axmed Sandhere oo ka hadlay munaasabada
Ururka Suxufiyiinta WAJ ayaa sheegey in ka maamul ahaan ay gacan ka geysan
doonaan sare u qaadida ururka ay ku mideysan yihiin inta badan Suxufiyiinta
jubbooyinka ee WAJ.
“Way haboon tahey in maanta la helo meel
Suxufiyiinta jubbooyinka loogu hagaago tanina waxa ay ka mid tahey talaabooyinka
horumarka leh ee ay qaadeen wariye yaasha ka howlgala magaalada kismayo”ayuu
yiri gudoomiyaha gobolka Axmed Sandheere oo khudbad dheer ka jeedinayay Xafladda
Ururka Suxufiyiinta Waamo ee marka la soo gaabiya loo yaqaan WAJ.
sidoo kale waxaa xaflada ka hadlay gudoomiyaha Ururka u dooda
Xaquuqul insaanka ee FAHRO Cali Baashi waxa uuna sheegey in uu aad ugu faraxsan
yahey in xafladaas uu ka qeyb galo, uuna arko Suxufiyiin isku xiran oo
himiladooda tahay inay hiigsadaan horumar sare u qaadi kara xirfadooda shaqo
maadaama ay yihiin kuwa fir fircoon marka howlahooda shaqo ay gudanayaan.
Masuuliyiinta ururka Suxufiyiinta Waamo ayaa xafladaas ku balan
qaadey in dhalinyarada jubooyinka camal la'aanta ku haysato ay siinayaan
tababaro dhinaca Saxaafada ah si ay u helaan xirfado ay ku shaqeystaan,
noloshoodana ay ugu maareeyaan maadama intooda badan ay yihiin kuwa aan haysan
waxyaabo ay ku shaqeystaan.
Ururka Waamo Association Journalists WAJ
ayaa shaaca ka qaaday inay hoostagaan urur weynaha isu taga Suxufiyiinta
Soomaaliyeed ee marka magaciisa la soo gaabiyo loo yaqaano ASOJ.
Wakiilka Ururka ASOJ ee goboladda Jubooyinka Farxaan Lafoole oo
isagana khudbad dheer ka jeediyay xafladaas ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan
yahay isku duubnaanta iyo horumarka ay hiigsanayaan Suxufiyiinta goboladda
Jubooyinka ee ku midoobay WAJ.
“Ururka ASOJ waa urur ay ku mideysan
yihiin dhamaan Suxufiyiinta Soomaaliyeed waliba Weriyaasha Proffesionalka
ah,waxaana ii farxada inaan idiin sheego,aqoonsi inaan ka heysano DFKMG iyo
Hay’adaha Saxaafada Caalamka qaarkood,waxaana anigoo ku hadlaya magaca
Ururweynaha ASOJ,idin leeyahay,waxaan ka mid ahay WAJ,waxaana idinkala
qeybqaadan doonaa sidii Saxaafadda gobolka looga ridi lahaa heeryadda.
Guud ahaan ka qeybgalayaashii xaflada Xariga looga jarayay
Ururka isu taga Suxufiyiinta Waamo ayaa niyad furan iyo farxad ku soo
dhaweeyay,waxayna horumar iyo farxad ku tilmaameen inay Waamo yeelato Urur
Saxaafiyiinta ku mideysan yihiin.
Si kastaba ha ahaatee,Ururka
Suxufiyiinta Waamo ayaa la oran karaa waxay Kismayo ka sameeyeen dhoolatuskii
ugu balaarnaa ee ay ku muujinayaan sida ay isugu duuban yihiin,waxaana la
filayaa in Ururada gobolada kale ee Soomaaliya ay sameeystaan xaflada nuucaasa
oo ay ku muujinayaan isku duubnidooda Saxaafadeed.
Ururka Suxufiyiinta WAJ oo Wacdaro ka dhigay Kismayo,daawo Sawiradda
Ururka isu taga Suxufiyiinta Waamo ee loo yaqaan WAJ ayaa markii ugu horeysay xaflad balaaran ku qabtay Magaalo Xeebeedka Kismayo ee Jubooyinka.