ASOJ oo sheegay in wareegtada Wasaaradda Warfaafinta DFKMG ay tahay mid ay ka naxeen qoowleysatada Saxaafada.
Ururka isu taga Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee ASOJ wuxuu si buuxda u taageerayaa Warqadii ka soo baxday Wasaaradda Warfaafinta ee DFKMG ,wuxuuna warqadaas u arkaa mid sharciya oo meesha ka saareysa in shaqsiyaad aan metelin Saxaafada Soomaaliya oo baalmadoow uga jira liiska Suxufiyiinta Soomaaliyeed ay magaca Saxaafada meel kaga dhacaan oo fagaarayaal la tagaan.
“Warqada Wasaaradda Warfaafinta ka soo baxday waxay ka turjumeysaa
sharciga saxdaa ,waxaan dhihi karnaa waa mid guul iyo cadaalad u horseedeyso
Saxaafiyiinta Soomaaliyeed ee xaqooda ay cunayaan shaqsi iyo labo shaqsi oo
calooshood u shaqeystayaala,waxaana inoo farxada inay gabagabo tahay sii
jiritaanka NGO-ga shaqsiyaadka calooshood u shaqeeystayaasha ee qoowleeysatada
Saxaafada Soomaaliya loo yaqaan ay sameysteen”ayuu yiri Gudoomiyaha Ururka isu
taga Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee ASOJ oo dhinaca kale ku baaqay in shaqsigii
sumcad iyo magac leh looga baahan yahay inuu ka qeybgalo doorashooyinka guud ee
loogu tartamayo xilalka sare ee Ururweynaha Saxaafada Soomaaliya.
“Hadii shalay magaca Saxaafada lagu qaraaban jiray maanta waxay taagan tahay
tuug la qabtay talo maleh,waxaana ugu baaqeeynaa Cabdi risaaq Sheekh Aduun
inuusan noqon maqaarsaar ,uu weji gabaxa u adeegsado shaqsiga ka hooseeya in
magaciisa la sheego ee kaniisadaha u galo raaligelinta gaalada iyo sidii uu xaqa
Saxaafada Soomaaliya u booby lahaa”ayuu yiri Gudoomiyaha Ururka isu taga
Suxufiyiinta Soomaaliyeed oo dhinaca kale xusay in ururka ASOJ uu ku shaqeeyo
rabitaanka Saxaafada ,loona dhisay sidii heeryada musuqmaasuqa iyo gumeysiga
looga saari lahaa Saxaafada Soomaaliyeed.
“Waxaa nasiib daro ah inuu Cabdi risaq Sheekh Aduun maqaar saar iyo hayiin u noqdo ninkii Muqdisho ka dejiyay Hotel Midnimo ee kaga dhuuntay isaga iyo Weriyaashii la socday ee reer Puntland,ayna xilligaas u gurmaden Saxaafiyiinta reer Muqdisho,waxaana doonayaa inaan xasuusiyo ninka uu difaacayo been abuurkiisa inuu ka biloowday Cabdi Qasim baan Xamar uga cararay,markii uu Nairobi yimidna uu ninkii aan la dejinay oo ahaa Xuseen Jaabiri uu habeen bar jeebkiisa ka xaday baasaboorkiisii Mareykanka iyo lacag jeebka ugu jirtay oo dhameyd kun iyo shan boqol oo dollar,taas oo ahayd ceebtii ugu weyneed ee uu ku dhaawacay sharafta Saxaafi ama Weriye leeyahay” ayuu yiri Dahir Abdulle Alasow.
Gudoomiyaha Ururka isu taga Suxufiyiinta Soomaaliyeed wuxuu ku nuuxnuuxsaday in Wasiirka Warfaafinta uu mudan yahay mahadnaq iyo bogaadin maadama uu ka shaqeeyay sharciga Saxaafada,dhaqankiisana ka dhigay mid wanaagsan oo uu ugu hiiliyay madaxbanaanida Saxaafada.
“Hadii aad akhriseen Warqada Wasiirka Warfaafinta,wuxuu ku cadeeyay inuusan
jirin urur Saxaafada Soomaaliya metela,wuxuuna ugu baaqay Ururada Saxaafada
Soomaaliya inay soo maraan Wasaaradda Warfaafinta si loo siiyo aqoonsi ama loogu
diido.
waana mida kaliya ee qoowleysatada sharci darada iyo been abuurka
ku nool ay ka qeeylinayaan,maadama aysan heli Karin codka shan Saxaafi oo
Proffesional ah,ayna hore Saxaafada Caalamka ugu indha sarcaadiyeen ciyaal
xaafadeed filim laga duubay oo laga dhigayay Saxaafiyiinta Soomaaliyeed”ayuu
yiri Gudoomiyaha ASOJ Dahir Abdulle Alasow.
“Ururka ASOJ ,wuxuu Wasaaradda Warfaafinta waydiisanayaa aqoonsi ,waxaana rajo weyn ka qabnaa inaan dhawaan faafino dukumiintiyo saxiixan oo cadeeynayo liiska Saxaafiyiinta ee ururka ka mida iyo aqoonsiyada aan ka heysano Wasaaradda Warfaafinta” ayuu ku soo gabagabeeyay hadalkiisa Dahir Alasow .
Ururka isu taga Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee ASOJ ayaa noqonaya Ururka ugu balaaran ee ka jira Soomaaliya marka la eego magaca iyo muuqaalka Weriyaasha ku bahoobay,iyadoo bilahii ugu dambeeyay ay Associated Somali Journalists ASOJ ku biireen Ururo Saxaafadeedyo kala duwan,sida Ururka Suxufiyiinta Waamo ee WAJ,Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee Gedo loona yaqaan GIJA iyo sidoo kale Ururo Saxaafadeedyada Weriyaasha Soomaalida ee dalalka Kenya iyo Koofur Afrika.
Mohamed Omar Hassan
Capetown-S/Africa
ASOJ oo sheegay in wareegtada Wasaaradda Warfaafinta DFKMG ay tahay mid ay ka naxeen qoowleysatada Saxaafada.