Wasaarada Warfaafinta TFG Oo Beesha Caalamka Ku Sheegtay Inuusan Jirin Urur Saxaafada Somalia Ku Qaraaban Kara

0
Monday July 05, 2010 - 04:53:27 in Warar Af-Soomaali ah by Super Admin
  • Visits: 2570
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasaarada Warfaafinta TFG Oo Beesha Caalamka Ku Sheegtay Inuusan Jirin Urur Saxaafada Somalia Ku Qaraaban Kara

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warqad qoraal ah oo ka so baxday Xafiiska Wasaarada Warfaafinta Dowlada kumeel gaarka ah ee somalia isla markaana uu ku saxiixan yahay Wasiirka Warfaafinta TFG Madobe Nuunow Mohmed isla markaana loo kala diray Ha’adaha Saxaafada Caalmka Ku Shaqada leh iyo kuwa gudaha dalka Somalia ka shaqeeyay ayaa lagu sheegay inuusa jirin urur matala saxaafada somalia isla markana ku qaraaban kara si uu danahiisa ugu fushado

Warqadaan oo nuqul ka midaha uu soo gaaray warbaahinta waagacusb ayaa waxey u qorneyd sida tan. 

Markii aan aragnay urur saxaafadeeda oo sheeganaya inuu siyaabo kala duwan ugu shaqeyo gudaha iyo bananka somalia, isla markaana sheeganaya inuu matalo saxaafada somalia kaasoo aan wax xariiraha la laheyn wasaarada warfaafinta iyo ururada saxaafada somalia ka jira

Ayaaa waxaan go’aansanay inaan ku war galino hay’daha caalamiga ah iyo kuwa gudaha in aan sameynaya  sharcigii  agu dhaqi lahaa saxaafada somalia kaasoo hoos taga sharciga lagu dhaqo saxaafada caalamig ah..

Sharciga saxaafada ee ay soo saartay wasaarada warfaafinta somalia wuxuu qeexayaa xuquuqda uu leeyahay wariyaha iyo waajibaadka isaga lagu leeyahay marka loo eego qeybaha kala duwan ee saxaafada.

Sidaa darteed waxaan ku wargalineynaa hay’adaha saxaafada caalamka ee xiriirka la leh NGO ku qaraabta saxaafada somalia iyo kuwa kale ee ka jira gudaha somalia iney xiriir la soo sameeyaan wasaarada warfaafinta Dowlada Somalia. 

“Ma jiri karo NGO ama urur Ku qaraaban kara magaca saxaafada somalia isla markaan sheegan kara inuu matalo bahda saxaafada somalia, oo aan ka aheyn wasaarada warfaafinta somalia” sidaa waxaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay wasaarada warfaafinta somalia.

Sdoo kale waxaan ku wargalineynaa NGOs ama Ururada Ka jira gudaha iyo banaanka somalia iney xiriir la soo sameeyaan wasaarada warfaafinta TFG,si ay ugu helaan wasaarada wax walba oo ay ugu  baahanyihiin saxaafada somalia .  

Waxaa qoraalka wasiirka warfaafinta lagu sheegay in wax walba oo ka horeeyay sharciga hada la soo saaray aysan shaqeyn kareyn isla markaana la tirtiray.

Hadii aad u baahantahay faahfaahin intaasi ka badan waxaa kala xariiri kartaa Madobe Nuunow Mohamed ama shaqaalaha wasaarada warfaafinta

 

Sunni Sa’eed Salah


[email protected]
[email protected]
+254-722424230
 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip