Suxufiyiinta Somaliyed ee koofur Afrika oo ku biiray Dallada Suxufiyiinta ASOJ
Ururka Midowga suxufiyiinta soomaaliyeed ee ,union of somali journilst in
s/Africa, ayaa sheegey inay ku biireen ururka Asoj kadib kulamo qaatey maalmo oo
ka kala dhacey Magaalooyinka Cape town Johannesburg iyo porto_elezephet ee dalka
k/Afrika.
kulanka ay
yeesheen oo ka dhacey Magaalada port_elephet ee dalka k/Afrika ayey ururka
shaaca kaga qaadeen iney ku biireen ururka Isu taga Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee
Asoj oo ay ku tilmaameen inuu yahey urur wax tar u leh horumarinta Saxaafadda
Soomaaliyeed .
Afhayeenka ururka Midowga suxufiyiinta Soomaaliyeed ee koofur Afrika C/raxaman xaaji yuusuf (Daacad) oo ka hadley kulankaasi ayaa sheegey iney si weyn ugu faraxsanyihiin iney ku biiraan ururka isu taga suxufiyiinta Soomaaliyeed ee Asoj , oo uu ku tilmaamey inuu yahey urur horumar leh isla markaana uu filayo iney ka faa,ideysan doonaan dhamaan Saxaafiyiinta
Afhayeenka Ururka USJS C/raxmaan Daacad ayaa waxaa uu ugu hambalyeyey
ururadii horey ugu biirey sida ururada WAJ For Waamo,GIJA For gedo iyo Ururka
Suxufiyiinta Soomaalida ee dalka Kenya,wuxuuna ugu dambeeyntii ku dhiiri
galiyey ururada kale iney ku biiraan Ururweynaha Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee
ASOJ.
xubnaha ururka midowga suxufiyiinta Soomaaliyeed ee
k/Afrika waxaa weriyaasha ku mideysan ka mida:-
1)Gudoomiye,
Maxamed Xuseen Yuusuf (Xaaji tahriib)
2) Afhayeen, C/raxmaan
Xaaji Yuusuf (Daacad)
3) xiriirka guud, C/raxmaan Yuusuf Axmed,
(raabi)
4) Xoghayaha, C/qaadir Axad dhaqane (Axad)
5)xubin,xuseen Maxamed geedi (xeynuuf)
6)
xubin,C/naasir sh, bashiir (saxan saxo )
7) xubin maxamed Aadan
xadiith,
8) xubin C/fitaax cali (jantalman)
9) xubin,
C/wali maxamed (jecelow)
10) xubin, Mahomed ibraahim
(gacmey)
11) xubin,Faarax c/raxiim faarax ( amoore)
12) xubin,Cabdi c/laahi rooble ( c/ odey
Suxufiyiinta Somaliyed ee koofur Afrika oo ku biiray Dallada Suxufiyiinta ASOJ