![](https://asoj.org/uploads/asoj_bnr.jpg)
Suxufiyiinta Waamo oo dhistay Urur Saxaafadeed ay ku mideysan yihiin:-
Xubnaha sare ee Suxufiyiinta WAJ Waamo oo la magacaabay,magacyada iyo muuqaalka.
Kadib markii Suxufiyiinta waxqabadka leh ee gobolada Jubooyinka ay mudo laba bilooda lahaayeen shirar iyo kulama is daba jooga oo ay uga arinsanayeen horumarinta xirfadooda Saxaafadeed .
Kadib
markii la isla gorfeeyay sida Saxaafada Waamo ama Jubooyinka ula jaanqaadi
karto,Saxaafiyiinta kale ee gobolada Soomaaliya.
Kadib markii ay Weriyaasha Waamo ay hoosta ka xariiqeen sida ay lagama maarmaan tahay in la yagleelo Urur Saxaafadeed u taagan qadiyada iyo horumarinta Suxufiyiinta gobolada Jubooyinka iyo dhul degaaneed weynaha Waamo,waxaa si rasmiya loo dhameeystirahay dhismaha guddi madaxeedka sare ee Ururka Suxufiyiinta Waamo( Wamo Association Journalists WAJ)
Waxaana masuuliyiinta ugu sareeysa Ururka WAJ ee shanta xubnooda loo magacaabay sidan:-.
- Leyla Sheekh Aadan Ismaaciil (Guddoomiyaha ururka WAJ)
- Aadan Maxamed Salad (Kismaayo) (Guddoomiye ku xigeenka WAJ)
- Maxamed Xaashi Tawakal (Xogahaye guud ee ururka WAJ)
- Maxamed Cumar Maxamed (Madaxa Barnaamijyada WAJ)
- Cabdirisaaq Maxamed Bille (Madaxa Maaliyadda ururka WAJ)
Ururka Wamo Association Journalists waxaa uu hoostagaa dalladda Isu taga Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee ASOJ,wuxuuna dhawaan magacaabi doonaa golaha dhexe iyo golaha fulinta ee xoghayeyaasha
Ururka Suxufiyiinta Waamo wuxuu ugu baaqayaa dhamaan Suxufiyiinta gobolada Soomaaliyeed inaysan aqbalin ku tumashada xaquuqdooda iyo ku tiirsanaan Urur sheegta inuu metelo Saxaafada Soomaaliya,kaas oo aan kalsooni ka heysan Saxaafiyiinta Soomaaliyeed oo ku bahoobay Ururweynaha ASOJ .
|
Suxufiyiinta Waamo oo dhistay Urur Saxaafadeed ay ku mideysan yihiin:-