ASOJ oo wax laga xumaado ku tilmaamay in shaqaalaha UNICEF Hiiraan ay ku lug yeeshaan xariga Weriyaha Somaliweyn
Ururka isu taga Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee ASOJ ayaa tilaabo xadguduba ku tilmaamay go-aanka ay maamulka gobolka Hiiraan ku xireen Wariye Xuseen Xasan Dhaqane xilli uu ku guda jiray hoowlahiisa shaqo ee Saxaafadeed.
“Waxaanu
ka xunahay oo wax laga yax yaxo noola muuqda in masuuliyiinta gobolka Hiiraan ay
xiraan Weriyaha gobolka Hiiraan ee Idaacada Somaliweyn xilli ay ugu yeerteen
shir Jaraa’id oo uu qabanayay Gudoomiyaha gobolkaas Yusuf dabageed,waana mid uu
ku dhaawacay madaxbanaanida Jaraa’idka iyo xiriirkii wanaagsanaa ee ka dhaxeeyay
Warbaahinta iyo maamulka Hiiraan “ayaa lagu yiri Warsaxaafadeed ka soo baxay
Xafiiska Ururka isu taga Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee ASOJ
.
“Ururka isu taga
Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee ASOJ,wuxuu si cad u qaadacayaa hadalka Yusuf
Dabageed ee ku saleeysan in Maxkamad la geeynayo Weriye Xuseen Xasan Dhaqane si
loo xakumo,waxayna fikirka nuucaasa ku tilmaameen mid lagu yaqaan maamulada
kaligii taliska,maadama uu sharciga caalamigaa iyo kan dowlada dhigayo ilaalinta
madaxbanaanida Saxaafada iyo muwaadin kasta oo Soomaaliya,loona baahan yahay in
Weriyaha hadii uu dimbi galay looga yeero Maxkamada,laakiin ay qalad qaawan
tahay in sida maleeshiyo loo afduubto weriyaha isagoon Waaran iyo wargelin ka
helin maamulka Hiiraan” ayaa lagu yiri Warsaxaafadeedka Associated Somali
Journalists ASOJ ee Nairobi.
Ururka Suxufiyiinta ASOJ
wuxuu ku nuuxnuuxsaday inay xogag dheeriya ku heleen in shirqoolka lagu xiray
Weriyaha Somaliweyn ee Hiiraan ay maleegeen saraakiil ka tirsan Hay’ada Unicef
ee gobolkaas,taasna aysan fursad u siin doonin inay qarsoonaadaan hadii ay
jiraan musuqmaasuq iyo qaladaad ka dhacay madax Uniceg Hiiraan,oo weriyaha hore
u faafiyay.
“Waa nasiib daro hadii
ay cadaato in madaxda Unicef ku lug leeyihiin xariga iyo tacadiga Weriyaha
gobolka hiiraan ee Somaliweyn,taasna waxay noqon kartaa mid ay shaqadooda ku
waayi doonaan,marka laga tusaalo qaato xiriirka ka dhaxeeya Saxaafada iyo
Hay’ada Unicef” ayaa lagu yiri Warsaxaafadeedka ASOJ .
Ugu dambeyn waxay ASOJ ugu baaqee dowlada federalka KMG inay ilaaliso
madaxbananida Saxaafada,ayna ka waantoowdo tacadiyada isdaba jooga ee ay kula
kaceyso Weriyaasha madaxa banaan ee dalka Somaliya ka
howlgala.
Mohamed Abdinur
Mohamed(Sacuudi).
+254710233216.
Nairobi-Kenya
|
ASOJ oo wax laga xumaado ku tilmaamay in shaqaalaha UNICEF Hiiraan ay ku lug yeeshaan xariga Weriyaha Somaliweyn
Ururka isu taga Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee ASOJ ayaa tilaabo xadguduba ku tilmaamay go-aanka ay maamulka gobolka Hiiraan ku xireen Wariye Xuseen Xasan Dhaqane xilli uu ku guda jiray hoowlahiisa shaqo ee Saxaafadeed.