Ururka Suxufiyiinta Waamo ee WAJ oo ku biiray ASOJ ,liiska magacyada
Ururka Suxufiyiinta Jubooyinka ee Waamo Association Journalists (WAJ) ayaa shaaca ka qaaday inay ku biireen Ururka isu taga Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee ASOJ,kadib kulan sedex maalmood qaatay oo ay ku yeesheen Kismayo.
Ururka Waamo Association Journalists WAJ xubnaha ugu sareeya ee gudigga
fulinta ayaa u badan Weriyaal caana oo mudo ka shaqeeynayay Warbaahinta,waxaana
la rumaysan yahay inay wax weyn ka bedeli doonaan xaqiraada mudo lagu hayay
Suxufiyiinta Proffesionalka ah ee ku nool gobolada jubooyinka .
Warsaxaafadeed ay ku saxiixan yihiin xubnaha gudigga fulinta ee WAJ ayaa lagu shaaciyay ku biiritaankooda Ururweynaha ASOJ ,waxaana ku saxiixnaa masuuliyiinta kala ah:-
Mohamed Hashi Tawakal
Aden Mohamed Salad ( Aden Kismayu)
Abdirizak
Mohamed Bille
Mohamed Omar Mohamed
Leila Sheikh Aden Ismael
Hodan
Hussein Dolal
Kafio Mohamed Hassan
Hinda Douh Abdi
Farhiyo Mohamed
Yousuf
“Waxaanu go-aansanay inaan ku biirno Ururka isu taga Suxufiyiinta Soomaaliyed ee ASOJ,waxayna sababtu tahay anagoo u aragno Ururka kaliya ee maanta magaca Suxufiyiinta Soomaaliyeed meteli karo,maxaa yeelay Jubooyinka waxaa ku nool Weriyaal Proffesional ah,waana sababta aan ugu biirnay Associated Somali Journalists ASOJ”ayuu yiri Afhayeenka Ururka isu taga Suxufiyiinta Waamo Weriye Mohamed Hashi Tawakal.
“Waxaan markale ku faraxsanahay ka mid noqoshada ASOJ,waxaana ugu baaqeeynaa dhamaan Suxufiyiinta Soomaaliyeed gobol iyo dalkasta oo ay joogaan inay nagula soo biiraan ASOJ ,si aan u gaarno himilo horumar ku dhalato wax wada qabsi guud”ayey Suxufiyiinta WAJ ku dhaheen Warsaxaafadeedkooda.
Ururka Suxufiyiinta Waamo ee WAJ oo ku biiray ASOJ ,liiska magacyada