Fuáad Maxéd Cilmi “ Ururka ASOJ wuxuu wadaa dadaalo daryeel loogu sameynayo Weriyaasha Muqdisho ka qaxay ee Nairob
Fuáad Maxéd Cilmi oo ah Weriye & howlwadeen muddo ku soo jiray
Saxaafadda, haatanna ah xiriiriyaha guud ee ururka ASOJ ayaa cambeereeyey
weerarada ay ciidamada booliska & NSST-ta dowladda federaalku ku
bartilmaameedsanayaan saxaafadda horta ah, arrintaasoo uu ku tilmaamay mid
xadgudub ku ah xuquuqda Saxaafadu u leedahay inay bulshada u soo gudbiso
xaqiiqooyinka dalka ka jira.
“Ma ahan arrin cusub in dowladda federaalku ay isku deydo in ay
aamusiso dhammaan hay'adaha saxaafadda ee ka howlgala dalka, ma-laha waxeyba
jeclaan laheyd dowladdu in dalka aysan ka jirin saxaafad aanan aheyn Idaacadda
ku hadasha codka dowladda, dhaqankaasina waa dhaqan kelitelisnimada, adduunkuna
wuxuu maanta marayaa in saxaafad iskaba daaye, la xushmeeyo ra´yiga qof kastaahi
u leeyahay, in cidduu doono uu wax uga sheego” ayuu yiri Fu-aad Maxéd Cilmi
wuxuuna intaasi ku daray in ay ceeb & yaxyax ku tahay hayádaha u dooda
xuquuqda Saxaafadda in aysan tallaabada ku haboon ka qaadin dowladda federaalka,
oo buu yiri sidii ay doonto ka yeesha saxaafadda xorta.
“Waxaan u soo joognay in labo weriye oo qaali ku ah saxaafadda, si weynna uga soo qeybqaatay horumarinta saxaafadda Soomaaliya xilligii ugu adkaa in si arxan darro ah loo dilo, haddana dowladdu ay tiraa waxaan qabanay kuwii ka danbeeyey dilkaasi, waxaan jeclaan lahaa in aan weydiiyo dowladda, haddii ay hayaan dadkii ka danbeeyey dilkii Marxuum Cali Iimaan sababta cadaaladda loo horkeeni la-yahay, mise hadalkaasi wuxuu ahaa iska dheh, & hadal siyaasi” ayuu yiri Fu-aad, wuxuuna intaasi soo raaciyey in weriye Mahad Ahmed Cilmi uu ahaa weriyihii ugu qaalisanaa ee uu u soo joogay, wuxuuna xusay in Mahad ALLAHA u naxariistee uu ahaa suxufi u dooda dadka danyarta ah,
`´Inta badan weriyeyaashii ka howgeli jiray Muqdisho ee ka shaqeyn jiray
qeybaha kala duwan ee warbaahinta waa ay ka soo carareen magaaladii, kadib
markii ay u adkeysan waayeen dhibaatada joogtada noqotay ee loo geysanayo
shacabka tiiyoo aysan kaba hadli karin`ayuu yiri Fu-aad
“Ururka ASOJ wuxuu wadaa dedaalo aan kala har laheyn oo uu ku doonayo in uu uga dhaadhiciyo hayádaha warbaahinta ee fadhigoodu yahay Nairobi in ay daryeel gaar ah u sameeyaan Weriyeyaashaasi, arrintaasina meel wanaagsan ayey mareysaa” ayuu yiri Fu-aad Maxéd Cilmi, wuxuuna intaasi raaciyey inay ururiyaan tacadiyada loo geysanayo saxaafadda, ayna soo bandhigi doonaan ururkooda dhammaan dhibaatooyinkii loo geystay saxaafadda.
Xiriiriyaha Guud ee ASOJ
Fu-aad Maxéd Cilmi
E-mail: [email protected]
Tell+254725882140
Fuáad Maxéd Cilmi “ Ururka ASOJ wuxuu wadaa dadaalo daryeel loogu sameynayo Weriyaasha Muqdisho ka qaxay ee Nairob