Ururka ASOJ oo cambaareeyay kooxo jirdil ku sameyey Weriye Cabdi Casiis Saleebaan .
Ururka
isu taga Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee ASOJ ayaa wax
laga xumaado oo
tiiraanyo badan
ku tilmaamay tacadiyada loo
geystay Weriye C/Casiis
Saleebaan oo ka mida Weriyaasha ugu caansan Magaalada Laascaano ee gobolka
Sool.
“ASOJ waxay cambaareynaysaa kooxahii weeraray Wariye
Cabdi Casiis,waxayna maamulka Laascaano ugu baaqeysaa
inay baaritaan ku sameeyso tacadigalagu jirdilay Weriyaha
madaxa banaan ee degaankaas ka hoowlgala.
”Ururka Suxufiyiinta ASOJ wuxuu weerarka lagu qaaday
Weriye Cabdi Casiis u arkaa mid la doonayo in lagu qalqal geliyo,
si uu kaga gaabsado dhacdooyinka gobolka Sool taasna waxay
ka dhigan tahay,mid lagu waxyeeleeynayo madaxbanaanida
Jaraa'idka .
Xafiiska ASOJ ee Bosaso warsaxaafadeed ka soobaxay waxaa
lagu xaqiijiyay in Weriye Cabdi Saleebaan sedex qodob madaxa
laga tolay,ka gadaal markii sedex nin oo bustoolado iyo budhadh
ku hubeysan ay weerar ku qaadeen.
ASOJ waxay hoosta ka xariiqee in sanadkaan uu noqday sanadkii
ugu tacadiyada badnaa Saxaafiyiinta Soomaaliya,taas oo ka dhigan
in lagu xasuusan doono,koox la dilay,koox la xiray,koox la jirdilay
iyo koox kale oo la barakiciyay
Ururka ASOJ oo cambaareeyay kooxo jirdil ku sameyey Weriye Cabdi Casiis Saleebaan .