Union of Somali journalist In South Africa oo ay ku biireen xubno cusub iyo isku shandheeyn lagu sameyay,
Waxaa hoolka shirarka ee Magaalada Cape town ka
dhacay shir ay isugu tageen Ururka Mideynta Suxufiyiinta Somaliyeed ee Koofur
Afrika (Union of Somali journalist In South Africa) mudo dheer oo ay kala
maqnaayeen kadib.
Union of Somali journalist In South Africa ayaa isku
shaandheeyn lagu sameeyay,waxaana sidoo kale lagu diiwaangeliyay xubna cusub oo
ku biiray si loo xaqiijiyo inuu yahay urur ay u dhan yihiin dhamaan
Warfidiyeenada Soomaaliyeed ee Koofur Afrika.
Waxaa ugu horeyn shirkaasi ka
hadlay Gudoomiyaha ururka Maxamed Xuseen Yuusuf (Xaaji-Tahriib) oo ku
dheeraday faahfaahin la xiriirtay wax qabadka ururka mudadii uu shaqeynayay ee
dhinaca isku xirnaanta iyo wada shaqeynta Saxaafada
Soomaaliya .
''Ururka USJS waxaa uu mudo
dheer ka shaqeeyay dalkan
Koofur Afrika oo ah dal isdilka aad ugu badan yahay,waana sii shaqeeyn doonaa
wayoo waxaan diirada saareeyna sidii Soomaalida ku sugan dalkeena hooyo ula
socon lahaayeen dhacdooyinka iyo tacadiyada loogu geysto koofur Afrika
ganacsatada iyo garab raratada Soomaaliyeed”ayuu yiri Gudoomiyaha Ururka
Suxufiyiinta Koofur Africa Mr Xaaji Tahriib
Xoghayaha guud ee Ururkaas
C/qaadir Axmed Dhaqane ayaa isagana ku dheeraaday ka
sheekeeynta
dhibaatooyinkii ay kala kulmeen Koofur Africa iyo sida
ay
ugu dhabar adeegeen,isagoo mahad celin u jeediyay dhamaan xubnaha ururkaas oo uu
ku tilmaamay geesiyiin taariikhda baal dahaba ka geli
doona.
Xoghayaha guud wuxuu kulanka Ururka Union of Somali journalist In South Africa ka akhriyay magacyada xubnaha cusub ee
ku biiray,waxayna kala yihiin:-
1-Maxamed Adan Xadiith (xubin)
2-C/fataax Ismaaciil Gentleman (xubin)
3-C/wali Maxamed Jacelow (xubin)
4- Xuseen Maxamed Geeddi (xubin)
5-C/naasir Xaaji Saxansaxo (xubin)
6-
Maxamed Ibraahin Gacamey(xubin)
Shirka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee Koofur Afrika
waxaa ugu dambeeyntii lagu cambaareeyay gacan ku dhiiglayaashii dilay Cali
Iimaan Sharmaarke,Mahad Axmed Cilmi iyo Mahad Cabdiqaadir Kaskeey oo maalmo isku
dhaw lagu kala dilay Magaalada Muqdisho iyo gobolka Bay xilli ay ku guda jireen
hoowlahooda shaqo,waxayna ku baaqeen in baaritaan lagu
sameeyo.
Cabdi Waxid Nur Baadshaa
Cape town S /Africa
Union of Somali journalist In South Africa oo ay ku biireen xubno cusub iyo isku shandheeyn lagu sameyay,