Somali Journalists Network Kenyan oo ku biiray Ururka isu taga Suxufiyiinta ASOJ
Ururka
Suxufiyiinta Somalida Kenya ee marka la soo gaabiya loo yaqaan SJKN ayaa shaaca
ka qaaday inay si buuxda ugu biireen Ururka isu taga Suxufiyiinta Soomaaliyeed
ee ASOJ kadib markii ay mudo darsayeen waxqabadka Wariyaasha ASOJ iyo miisaanka
uu ku dhex leeyahay Saxaafadda Soomaaliya.
“Waxaan
idiin sheegayaa inaan ku biirnay Ururka isu taga Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee
ASOJ aniga oo ku hadlaya magaca Somali Journalists Network Kenyan,waxaana ii
farxada in Ururka aan Gudoomiyaha u ahay ee SJKN oo aqoonsi buuxa ka heysta
Wasaraada Warfaafinta Kenya,kana diiwaan gashan ,aanu ku biirno Associated
Somali Journalists ASOJ,waxaana xusid mudan inay taas nagu dhalatay kadib markii
aan diiwaan gelinay Wariyaashii Muqdisho ka soo cararay ee ku sugan Nairobi “
sidaas waxaa khudbadiisa ku daah furay Gudoomiyaha Somali Journalists Network
Kenyan Mr Ismaaciil Sheekh Cabdi raxmaan.
Gudoomiye
Ismaaciil Sheekh Cabdi Raxmaan oo khudbadiisa ka jeediyay xaflad weyn oo ay ku
qabsadeen labada urur Magaalada Nairobi,wuxuu farta ku fiiqay in ku
biiritaankooda uu salka ku hayo qiimeeyn ay ku sameeyeen Ururka ASOJ oo uu ku
tilmaamay mid ay Wariyaasha magaca leh ku mideysan yihiin.
“Waxaanu
xaqiijinay inaysan ASOJ ku shaqeyn qaab NGO ama Ururka ASOJ uusan ahayn mid ay
ku qaraabtaan shaqsiyaad aan sumcad badan ku lahayn Saxaafadda Soomaaliya
,waxaana taas u marqaatiya Wariyaasha cul culus ee ka tirsan hoowlwadeenada
Ururka “sidaa waxa ku cel celiyay Gudoomiyaha Suxufiyiinta Soomaalida Kenya oo
khudbadiisa ay xamaasad xoogan huwaneed.
Gudoomiyaha
Suxufiyiinta Kenya wuxuu tacsi heer Qaran u diray dhamaan Saxaafadda Soomaaliya
gaar ahaan bahda Hornfrik,wuxuuna rabi uga baryay inuu Janatul Farduus ka
waraabiyo Agaasimahii Idaacada Horn Afrik Dr Cali Iimaan Sharmaarke iyo
Agaasimahii Idaacadda Capital Voice Mahad Axmed Cilmi.
Gudoomiyaha
Ururka isu taga Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee ASOJ Dahir Abdulle Alasow oo
isagana halkaas khudbad dheer ka jeediyay ayaa shaaciyay in ASOJ ay gacmo furan
ku soo dhaweyneyso Wariyaasha Somalida Kenya,wuxuuna tibaaxay inay urur ahaan
soo dhaweeynayaan Ururada Saxaafadda Soomaaliya oo dhan,si loo mideeyo awoodeeda
iyo aqoonteeda la tartanka Warbaahinta dunida sedexaad.
Gudoomiyaha
Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee ASOJ Mr Dahir Abdulle Alasow,wuxuu dhamaan
boqolaalkii qof ee ka qeybgalay xafladaas ka codsaday in faataxada loo akhriyo
Cali Iimaan,Mahad Cilmi iyo Mahad Cabdiqadir Kaskey oo uu sheegay inay lafdhabar
u ahaayeen Saxaafada Soomaaliya,ayna sababsadeen gacan ka gardaran.
“Cali
Iimaan Sharmaarke wuxuu ahaa halyeey Saxaafadda Muqdisho la tartansiiyay
Warbaahinta dunida,waxaana ku tilmaami karnaa horseedka madaxbanaanida
Soomaaliya ee maskaxdiisa iyo maalkiisaba u huray”ayuu yiri Dahir Abdulle Alasow
oo dhinaca kalana hambalyo u
diray Telefishinka Caalamiga ee Universal iyo
Idaacadda Front Fm Kenya.
Dahir
Alasow wuxuu Telefishinka Universal iyo Radio Front Fm Kenya kuwa astaan u
noqday Madaxbanaanida iyo dhexdhexaadnimada qeeynuunka Saxaafada,isagoo si
gaarana carabka ugu adkeeyay inay tixgelin siiyaan Weriyaasha ka
hoowlgala.
“Waxaan
la yaabay sababaha ay Wariyaasha iyo Ganacsatada Warbaahinta sameystay u sheegi
la yihiin shaqsiyaadka ugaarsiga ku haya Saxaafada,dhab ahaantii anagu waan
naqaana,waana sheegeynaa sida ugu haboon,maxaa yeelay hadii laga aamuso ,maalin
walba mid ayay dilayaan” ayuu yiri Mr Alasow oo si gaara u xusay in ASOJ ay xog
badan ka heyso ,sababihii loo dilay Cali Imaan iyo kooxahii arintaa
maleegay.
“Waxaa
sharaf weyn inoo ah inaan idinkala soo qeybgalo,xafladaan,waxaan aad uga
xanuunsanahay dilalkii qorsheeysneed ee lagu qaarijiyay Cali Iimaan iyo Mahad
Cilmi,waxaana ku faraxsanahay inaan maanta halkaan ku wada kulano Wariyaashii
lafdhabarka Wariyaasha Muqdisho ee aan dhegaha iska maqli jirnay uun”sidaa waxaa
yiri Mr Mursal Quule oo ah Afhayeenka Ururka Suxufiyiinta Somalida Kenya
.
“Xamar
nafteyda ayaan uga soo cararay, todobo maalmood ka hor ,
intaan la dilin
Cali Iimaan iyo Mahad Axmed Cilmi ayaa telefoonka la iigu soo hanjabay,waan ku
dileeynaa ayaa leeygu dhahay,ma arkeyn telefoonka wuxuu ahaa Private,laakiin
markii saacado isku xigay la
dilay Agaasimaheeygii Cali Iimaan iyo
Saaxiibkeey Mahad Cilmi ayaan isaga soo cararay,sababtuna waxay ahayd qalqal aan
ka qaaday dadkii
oo I soo wada wacayo dal iyo dibad iguna leh,waar soow ma
ogid inaad ninka sedexaad tahay,maxaa meesha ku joojiyay”sidaa waxaa
yiri
Wariye Xasan Cadde oo ka tirsan Wariyaasha Warbaahinta Horn
afrik,laguna yaqiin barnaamijkiisii xamaasada badnaa ee dhacdooyinka
Hornafrik.
Xasan
Cadde oo khudbad dheer ka jeediyay xaflada ASOJ ee Nairobi wuxuu ku celceliyay
inuu mar walba dalka jeclaa hasse yeeshee uu kaga soo baxay haliso badan oo u
muuqday aawgeed.
“Cali
Iimaan iyo Mahad Cilmi waxaa ay ku dhinteen xaqa,waxaana
dishay gacan ka
gardaran,iyagoo hoowlahoodii shaqo ku guda jira,waxaana muhiima in qof walba
dhimanayso,sidas daraadeed waxaan ka qeybgalayaasha ka dalbanayaa inay min sedex
qulu wale u akhriyaan labada masuul ee Warbaahinta Afrik miisaanka weyn ku
lahaa”sidaa waxaa khudbadeeda ku furtay Wariye Falastiin Axmed Xaaji oo ka
hadlaysay Xaflada Wariyaasha ASOJ ee Nairobi.
Falastiin
Axmed Xaaji oo ka mida Wariyaasha masraxa Saxaafada magaca iyo miisaanka weyn ku
leh,waxay saarneed gaariga uu watay
Cali Iimaan ee lagu qarxiyay.
“
Markii la ii sheegay in la dilay Wariye Mahad Cilmi,saacado kadib
ayaa
anigoo townka maraya la ii sheegay in la dilay Cali Iimaan,
markaas ayaan
dhab ahaantii xanuunsaday oo dareenkeeygu si weyn
isu bedelay,habaryarteey
oo gaariga ila saarneed baa igu dhahday” maxaa laguu soo sheegay Catoosh” waxaan
ugu jawaabay:-“ Habaryar wiil Weriye ah ayaa saakay la dilay,hadana Wariye kale
oo aaskiisii ka qaybgalay baa la dilay oo gaarigiisii ku dhex dhintay”
Intaas
markii aan iri ayay habaryar igu tiri” Wariyaashiina ma dadkii la dilayay ayaad
ka mid noqoteen” ayuu yiri Cabdi Risaaq Catoosh oo ka mida Wariyaasha Idaacadda
BBC laanta Afka Soomaaliga.
Cabdi
risaaq Xaaji Catoosh wuxuu tibaaxay in hadalka Habaryartii uu arkay Messege
micno wayn xambaarsan,wuxuuna tacsi u diray dhamaan eheladii iyo qaraabadii ay
ka geeriyoodeen labadaas Sarkaal ee Saxaafadda Soomaaliya magaca iyo miisaanka
ku leh,wuxuuna ku cel celiyay,ilaaheey hanaga sabir siiyo labadaas nin ee naga
tagay,isagoo
ku kaftamay”waxaa la yiri Geeridu qofaadan garaneyn iyo geel
jire ayay ku wanaagsan tahay”
“Markii
la ii sheegay in Cali Iimaan la dilay isagoo ka soo laabtay aaskii Wariye Mahad
Axmed Cilmi,dhab ahaantii waxaan awoodi waayay inaan telefoonka ka dansado
qofkii I soo wacday,waan gariiray,maxaa yeelay wuxuu ahaa nin qiimo badan oo
Saxaafada kaalin weyn ka taagnaa”sidaa waxaa yiri Agaasimaha Guud ee Wasaaradda
Warfaafinta DFKMG Xasan Ciisse Cali Kuuriye,oo dadka badankii ay ku tilmaamaan
inuu yahay barbaariyaha Saxaafiyiin badan oo Soomaaliya aad looga jecel
yahay.
Agaasime
Xasan Kuuriye oo mudo ka badan 40 sanadood ka shaqeeynayay Saxaafadda Soomaaliya
,wuxuu ku celceliyay in xilkasta
oo u qabto ,waligii ka jeclaanayo
Wariyenimadiisa,wuxuuna wax laga xumaado ku tilmaamay tacadiyada iyo dhibaatada
lagula kacayo Saxaafiyiinta Soomaaliyeed.
Khudbada
Agaasime Xasan Kuuriye oo aad u dheereyd,wuxuu ku cadeeyay inuu ka shaqeyn doono
,ilaalinta iyo difaacida Saxaafiyiinta Soomaaliyeed ee 16-ka sano ku
shaqeeynayay kelya adeega.
Ugu
dambeyntii waxaa xaflada ka hadlay Xoghayaha Guud ee Jaaliyadda Somalida Kenya
Mudane Dahir Macalin Qaasim,wuxuuna tacsi u diray dhamaan eheladii ay ka
geeriyoodeen sedexda Wariye,waxaa kale oo
uu sheegay inay siyaasad ahaan
taageersan yihiin hadafka ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee ASOJ.
Si
kastaba ha ahaatee,xaflada ay iska kaashadeen ASOJ SJNK ayaa ahayd mid xiiso
badan,waxaana heeso Wadaniya ka qaaday hobolo uu
ka soo dhex muuqday Aas
aasahii Waaberi Cabdi Cali Bacalwaan.
Siciid Cumar Max’ed
Baaffo
Somali Journalists Network Kenyan oo ku biiray Ururka isu taga Suxufiyiinta ASOJ