ASOJ oo dowlada ku eedeyay inay Wariyaashii ugu badnaa ka qaxisay Muqdisho
Ururka isu taga Suxufiyiinta
Soomaaliyeed ee ASOJ waxaa uu dowlada federalka ugu baaqayaa inay ka waantoowdo
tacadiyada iyo hanjabaadaha ay kula kaceeyso Wariyaasha madaxabanaan ee ka
hoowlgalo gudaha dalka Soomaaliya .?
ASOJ waxay cambaareynee weerarkii
ay Ciidamada Federalka ku qaadeen Wariyaasha Dayniile,Qaranimo iyo Onkod,kuna
carqaladeeyeen xafiisyada sedexdaas shabaakadood ay Muqdisho ku leeyihiin
?
sidas waxa lagu sheegay Warsaxaafadeed uu ku saxiixan yahay Afhayeenka
ASOJ Sunni Siciid Saalax oo ku sugan Nairobi.
Ururka isu taga Suxufiyiinta
Soomaaliyeed ee ASOJ wuxuu Wasiirka Warfaafinta ugu baaqayaa inuu ka hadlo
tacadiyada sii kordhaya ee Maamulka uu Warfaafinta u qaabilsan yahay ay kula
kacayaan Warbaahinta madaxa banaan ee Soomaaliya gaar ahaan tan
Muqdisho.
ASOJ Waxay dowlada ku eedeyneysaa
barakicin baahsan oo ay kula kacday Wariyaasha Soomaaliyeed taas oo sababtay
inay ka qaxaan Muqdisho iyo gobolada ku xeeran oo ay maciin bidaan dalalka
deriska ,sida Somaliland,Jabuuti iyo Kenya.
Ugu dambeyn ASOJ waxay mar labaad
ka dalbanee dowlada federalka inay ilaaliyaan madaxbanaanida Jaraa�idka ,kana
waantoobaan tilaabooyinka lagu qalqal gelinayo madax banaanida
Jaraa�idka
Head Office for ASOJ
Abdi Fitah Mohamed Hilowle
Mogadishu-Somalia
ASOJ oo dowlada ku eedeyay inay Wariyaashii ugu badnaa ka qaxisay Muqdisho
Ururka Suxufiyiinta