ASOJ oo dowlada ku eedeysay inay Radio Warsan ku xireen sharci daro

0
Monday July 05, 2010 - 04:43:02 in Warar Af-Soomaali ah by Super Admin
  • Visits: 2495
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    ASOJ oo dowlada ku eedeysay inay Radio Warsan ku xireen sharci daro

    14/08/07

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

14/08/07

Ururka isu taga Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee ASOJ ayaa cambaareeyn dusha kaga tuuray DFKMG ,waxayna ASOJ oo dowlada ku tilmaamtay Xukumad caado ka dhigatay tacadiyada Warbaahinta Madaxa banaan ee Soomaaliya.

Associated Somali Journalists waxay dowlada ugu baaqeeysaa inay ku soo laabato xeerarka dhowrista madax banaanida Warbaahinta,waxayna ka dalbaneysaa inay si deg dega dib uga laabato amarka sharci darada ah ee ay ku xirtay Idaacada Warsan Baydhabo.

ASOJ dowlada waxay kula talinee inaysan u dhaqmin sida hogaamiye kooxeedyada ama Maamulada kaligii taliska ee ka jira geeska Afrika balse ay ilaaliso dastuurka dalka qodobada Madaxbanaanida Saxaafada.

“ Hadii Warbaahinta xadgudub sameeyso tilaabadeeda maaha inay xirto,disho ama ku xadgudubto ee waa inay qaab sharciya u martaa Maxkamada si loo kala dacwad baxo”

Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee ASOJ wuxuu nasiib daro u arkaa tacadiyada aan xadka lahayn ee dowlada ay kula kaceeyso Warbaahinta madaxa banaan ee Soomaaliya, wuxuuna ururada u doodo xaquuqul insaanka ugu baaqayaa inay wax ka qabtaan.

Afhayeenka Ururka ASOJ


Sunni Siciid Saalax
Tel:+254-733444433+254-722467335 +2521-253733 +2521-658289. Website:www.asoj.org
mailto:[email protected] mailto:[email protected]




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip