ASOJ oo sheegay inay Warbaahinta Muqdisho baroordiiq shaqo joojinaya u sameeyneyso Cali Iimaan & Mahad Axmed

0
Monday July 05, 2010 - 04:42:19 in Warar Af-Soomaali ah by Super Admin
  • Visits: 2707
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    ASOJ oo sheegay inay Warbaahinta Muqdisho baroordiiq shaqo joojinaya u sameeyneyso Cali Iimaan & Mahad Axmed

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kulan deg dega oo Ururka isu taga Suxufiyiinta Soomaaliyeed ay ku yeesheen Muqdisho iyo Nairobi ayay ka soo saareen warsaxafaadeed ku wajahan Warbaahinta Soomaaliya oo ay ugu baaqeen inay maanta oo ay taariikhdu tahay 11/08/2007 baroordiiq heer Qaran u sameeyaan Agaasimaha Warbaahinta Hornafrik Cali Iimaan Sharmaarke oo ku geeriyooday miino jidka loo geliyay xilli uu ka soo laabanayay Aaska   Wariye Mahad Axmed Cilmi oo waxma garato hubaysan ay ku dileen Muqdisho.

" Ururka isu taga Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee ASOJ wuxuu tebayaa Wariye qaaliya oo kaalin wayn ka taagnaa horumarka Saxaafadda Soomaaliya kaas oo Mahad Axmed Cilmi,sidoo kalana wuxuu tiiraanyo sare ka muujinayaa halyeey Saxaafada sare u qaaday oo xageena ka laqmay,{ Cali Iimaan Sharmaarke},waxaana ilaah uga tuugeeynaa inuu janatul Fardows,gaarsiiyo labadaas masuul,waxaana sidoo kale tacsi tiiraanyo iyo murugo xambaarsan u direeynaa dhamaan ehaladii iyo qaraabadii ay ka geeriyoodeen labada masuul ee  Cali Iimaan iyo Mahad Cilmi,anagoo tacsi gaara u direeyno dhamaan shaqaalaha iyo maamulka Horn Afrik.

Mahad Axmed Cilmi waxaa dilay gacan ka xaq daran,wuxuu ahaa nin ahlu diin ah oo taqwa badan,wuxuuna astaan u ahaa deganaanshaha,dabeecad wanaaga iyo ixtiraamka bulshada,sidaas daraadeed ASOJ waxay dadaal walba u geli doontaa sidii Maxkamad lagu soo taagi lahaa kooxihii dilay Wariyahaas Soomaaliyeed.waxaana sidoo kale xusid mudan in dhamaan Warbaahinta madaxa banana ee Muqdisho hawada ka baxeyso si loogu sameeyo baroor duuq heer qaran.

" Kooxaha Marxuum Mahad Axmed Cilmi dilay waxay moodaan inaan la aqoon laakiin hadii rabi idmo waa la soo heli doonaa,si cadaalada loogu qaado,waxaana dhamaan Wariyaasha Soomaaliyeed la quman inay dabagal ku sameeyaan kooxahaas si loo ogaado halka ay ku sugan yihiin,habeen,maalin iyo waqti walba.

Assocaited Somali Journalists oo ka murugeeysan falka lagu dilay Mahad Axmed Cilmi iyo sidoo kale falka miinada loogu dhigay Mas’uul Marxuum Cali Iimaan Sharmaarke.

ASOJ waxay magacaabeeysaa guddi heer Caalami oo baaris ku sameeya kooxda ka dambeeysa dilkiisa.sidoo kalana waxay shir Jaraa’id isugu yeereeysaa dhamaan Wariyaasha Soomaaliyeed ee Muqdisho iyo Nairobi.

Soomaaliya kama jirto dowlad dhexe oo amaanka iyo kala dambeynta xaqiijisa,waana sababta 24-kii saac ee la soo dhaafay laba masuul oo ka tirsan Saxaafada Soomaaliya loogu dilay Muqdisho,waxaa kale oo lagu dhaawacay laba Wariye oo kale ,kuwaas oo kala ah Sahal yare iyo Cabdi Xakiin Jimcaale.

ASOJ waxay sidoo kale cambaareeyneysaa kooxihii xalay dhaawacay Wariye Cabdi Xakiin Jimcaale,waxayna ku dhawaaqday inay dhaqaalo garab qabasho ah u direeyso Wariyahaas si hadii xaaladiisa halis tahay dibada loogu dhoofiyo.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip