Darasada iyo diiwaangelinta ASOJ ee dilalka,xarig iyo hanjabaadaha 2000 - 2007
Tel:+254-722467335
+2521-253733 +2521-658289. Website:www.asoj.org
mailto:[email protected] mailto:[email protected]
Inkastoo saxaafad
madax banaan oo xor ah ay ka hanaqaaday dalka baaba?san ee Soomaaliya,hadana
Marxalada adag ayey ku shaqeeyaan weriyeyaasha Soomaalida ee ku sugan gudaha
dalka,sidaas oo ay tahay ma jirto weriyeyaasha dhexdooda isku xirnaan weyn ,oo
waa kuwa ay kala jiidaneyso dabeysha siyaasadaha qalafsan ee ka jira dalka.
waa run oo si isku mid ah ayey u
danqadaan marka dil loo geysto qof ay isku mehnad yihiin,laakin waxaa intaa
dhaafsiisan ma jiraan, sida caadiyan jirta waa dad sii kala jeeda oo aan laheyn
rayi mideysan,waxaaney taasi keentaa in si bareer ah loogu geysto xadgudubyo ka
dhan ah xuquuqul insaanka.
Soomaaliya waa meel lagu dhibaateeyo
Weriyeyaasha islamarkaana ,aan laga qadarin soo bandhigida xoriyada
hadalka.
Wixii ka dambeeyey sanadii 2000,waxaa soo badanaayey tacadiyada
loo geysto Weriyeyaasha madaxa banan ee ka howlgala Somaliya,gaar ahaan kuwa ku
dhaqan Magaalada Caasimada ee Muqdisho..
26,January,2000 weriye ka tirsan Codka
shacabka oo lagu magacaabo Axmed Kaafi Awale ayey kooxo burcad ah oo hubeysan ku
dileen Suuqa bakaaraha xilli uu gudanaayey howlahiisa shaqo
.
21kii Febrauyo
2001,waxaa magaalada Boosaso lagu xeray weriye Abdi shakuur
Yusuf oo ka tirsanaa wargeyska Ogaal ee todobaadlaha ahaa,waxaana la siidaayey
01-april ee isla sanadkaas.
27.Augost
2001,isla magaalada Boosaaso ee maamul goboleedka Puntland waxaa
lagu xiray Bile Max?ed Qabowsade iyo Max?ed Sa?id oo ka kala tirsanaa
wargeysyada Soyal iyo Yool,kadib markii lagu eedeyey iney daabaceen warbixino
wax u dhimayo amaanka.
17 January,2003 kooxo hubeysan oo ka amarqaata Ganacsade Maxamed Deylaaf ayaa
albaabada u laabay Idaacada iyo Tvga Horn Afrik ee
Muqdisho.
June,2003,C/raxmaan Xudeyfi iyo Xuseen
Geedi Xeynuuf oo ka tirsanaa Radio
Banadir ayey xabsiga dhigtay dowladii Carte ee Cabdi qasim madaxda ka
ahaa.
9 Febraury
2005,waxaa banaanka hore ee Hotelka Saxafi ee Magaalada Muqdisho
lagu toogtay Kate Peyton oo barnaamij soo saare ka aheyd BBC-da
.
In May, 2005,Nin
hubeysan ayaa dhaawac u geystay weriye Cabdalla Nuuradiin Axmed oo ka tirsan
Idaacada Horn Afrik ee Magaalada Muqdisho
5 June 2005,waxaa kontoroolka laga galo
degmada Afgooye ee G/SH/Hoose nin hubeysan uu toogasho ku dilay Weriye Duniyo
Muxudiin Nuur oo ka howlgali jirtay Shirkada warbaahinta Horn Afrik,gaar ahaan
Idaacada Capital Voice,barnaamijka Muqdisho iyo Maanta.
3 Agosto 2005, Maamulkii degmada Jowhar
ee G/Sh/Dhexe ayaa xabsiga dhigay Weriye Cabdullaahi Kulmiye Caddow oo idaacada
Horn Afrik ka tirsan.
23
june,2006,Waxaaa fagaaraha Tarabuunka ee Magaalada Muqdisho lagu
dilay Weriye filimqaade ahaa oo Swedish ah Martin Adler oo ahaa weriye
Madaxbanaan.
24
Octobar,2006 waxaa dowlada Federalka KMG ay xirtay Weriyeyaasha
kala ah,Fahad Maxamed Abukar oo ka shaqeynayey idaacada Warsan,Maxamed Cadaawe
oo ka tirsan Warbaahinta Shabeelle iyo
Muqtaar Maxamed Catoosh ,Weriyaha Horn Afrik ee gobolada Bay iyo
Bakool.
24 November 2006
Cabdullaahi Yaasiin Jaamac oo ka shaqeynayey Radio Warsan oo dowlada Federalka
ay ku xirtay Magaalada Baydhaba.
2
Janaury 2007,weriyeyaal ka tirsan wargeyska Haatuf ayaa la xiray
kadib markii lagu eedeyey iney warbixino isdabajoog ah ka qoreen qoyska
Madaxweynaha Maamulka Somaliland Daahir Riyaale Kaahin,waxaana Maxkamada
Somaliland ay ku xukuntay 2 ilaa 2 ? sano iyo bar xabsi
ah
15,January,2007,dowlada Federalka ayaa
xirtay sedex idaacadood oo ka howlgala Magaalada Muqdisho,sida,Horn
Afrik,Shabelle iyo IQK.
9
Maarso, 2007 Xasan Sade Dhaqane oo ka tirsanaa Shirkada Warbaahinta
Horn Afrik ayay Xabsiga dhigtay Dowlada Federalka Kumeel Gaarka .
4 April
2007 Agaasimaha Tv-ga Universal Xafiiska Muqdisho C/qaadir
Maxamed Cashar Nadar,Weriye Bashiir Diiriye Naaleeye iyo filmqaade Xaamid
Maxamed Cusmaan oo intaba ka tirsan Tvga Universal ayey xirtay DFS, iyagoo
xornimadoodii dib u helay,22 May
sanadkan 2007
21 April
2007 madaafiic dhowr ah oo lagu garaacay idaacada Horn Afrik
waxaa ku dhaawacmay Weriye Yaxye Cali Faarax iyo Filimqaade Cabdi Dhaqane
Ciye.
5 May 2007 Weriye
Maxamed Cabdullaahi Khaliif ayaa toogasho lagu dilay maamul goboleedka Puntland
.
15 May,2007,Weriye Abshir Cali Gabra iyo Axmed Xasan Mahad oo ka
tirsanaa Weriyeyaasha Idaacada Jowhar ee G/SH/Dhexe ayaa lagu dilay dagaal ku
dhexmaray Maleeshiyo beeleedyo tuulada Xaaji Cali ee isla gobolkaasi Shabeelada
dhexe, ayagoo u socday iney soo gutaan waajibaadkoodii shaqo.
Waxaa intaasi sii dheer weriyeyaal badan oo jirdil ay DFS ugu
geysatay magaalada Muqdisho Ismaaciil Cali Cabdi Taxte, Maxamed Raage oo
idaacada shabelle ka tirsan,sidoo kale waxaa Baydhabo lagu jirdilay Wariyihii
gobolkaas ee Idaacadda Shabelle Maryan Maxamud Barre oo loo yaqaan Maryan
Qalanjo, iyadoo xafiiskii Idaacada Shabelle ee magaalada Baydhabana la
xiray.
Sidoo kale waxaa jira handadaadyo dhowr ah oo si isdaba joog ah loogu geysto Hadaba xilligaan oo lagu tilmaami karo inay tahay xilligii ugu xumaa ee Warbaahinta waxaa sii badanaya tacadiyada lagu hayo,waxaana dhowr mar ay dowlada xirtay Idaacadaha Muqdisho,sida Shabelle,Hornafrik ,IQK iyo Telefishinka Al Jazeera Xafiiskiisa Muqdisho.
Waxaa soo ururisay Madaxa Daraasaadka iyo diiwaangelinta ASOJ
Associated Somali Journalists
Farduusa Max?ed Cabdulle. .
[email protected]
[email protected]
Darasada iyo diiwaangelinta ASOJ ee dilalka,xarig iyo hanjabaadaha 2000 - 2007