Xubnaha ASOJ oo socdaalkoodii ugu dheeraa ku maraya baaskiilo dalka Uganda , Daawo sawirada.
28 July 2007
Wafdi ka socda Ururka Isu taga Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee ASOJ ayaa ka
degay garoonka Caalamigaa Entebbe Uganda kadib markii ay laba maalmood ku
sugnaayeen Magaaladda Capetown ee dalka koofur Afrika oo ay kaga qaybgaleen
shirar heer Caalamiya oo ay ku kulmayeen Saxaafadda madaxabanaan ee dalalka
Afrika iyo Barrigga dhexe.
Wafdigga oo uu horkacayo Gudoomiyaha ASOJ Dahir Abdulle Alasow ayay u
bilaabatay booqashooyin ay ku marayaan goboladda Dalka Uganda ,waxayna
socdaalkoodii ugu horeeyay baaskiilo ku mareen dhul dhan 140 Km .
Wafdiga oo gaaray Jinja gelinkii dambe ,waxay booqdeen degaano dalxiiska loo
tago sida Wabigga NIIL ee degaanka Jinja ka mara dalka Uganda.iyagoo sidoo
kalana baaskiilo ku maray degaanada
Makoono,Jinja,,Iganga,buguri,,Ngywarere,busteema.
Xubnaha ASOJ oo lagu wado inay kulan la yeeshaan Ururka Suxufiyiinta Dalka
Uganda waxay dalxiiskooda sii wada doonaan laba maalmood kadibna waxaa ay
Kampala kaga qaybgeli doonaan shir Caalamiya oo looga hadlayo Halista Cudurka
Aids-ka iyo doorka ay ka qaadan karto Warbaahinta dhinaca wacyigelinta
bulshadda.
Ergada sare ee Ururka Isu taga Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee ASOJ waxaa
socdaalkooda ku wehliyo Wariyaal ajnabiya oo ka socda Ururka Wariyaasha aan
xaduudka lahayn ee RSF.
Dalxiiska xubnaha ka socda ASOJ iyo RSF ayaa ku beegan xilli ay dalka Uganda
ka da'ayaan roobab ma hiigaana oo degaankaas ka dhigay doog,waloow Wariyaal
Ugandheysa oo la socda wafdiga ay u sheegeen in Uganda lahayn Abaar iyo Aaran oo
had iyo jeer Barwaaqo tahay .
Wafdiga ASOJ oo ka kooban todobo xubnood waxaa lagu wadaa inay Kampala kaga sii gudbaan Caasimadda Dalka Najeeriya ee Legos si ay isu arkaan madaxda Ururka Suxufiyiinta Nayjeeriya ee NAJ.
Si kastaba ha ahaatee socdaalka wafdigga ASOJ ee dalalka Afrika ayaa noqonaya mid lagu xoojinayo xiriirka Saxaafiyiinta Soomaaliya ee Warfidiyeenadda Afrikadda kale.
Hassan Omar Mohamed
Jinja –Uganda
Xubnaha ASOJ oo socdaalkoodii ugu dheeraa ku maraya baaskiilo dalka Uganda , Daawo sawirada.
28 July 2007