Wafdigii Ururka Suxufiyiinta ASOJ oo gaaray Addis Ababa,daawo sawirada.

0
Monday July 05, 2010 - 04:37:27 in Warar Af-Soomaali ah by Super Admin
  • Visits: 2412
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wafdigii Ururka Suxufiyiinta ASOJ oo gaaray Addis Ababa,daawo sawirada.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wafdigii ugu balaarnaa ee ka socda Ururka isu taga Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee ASOJ ayaa markii ugu horeeysay socdaal ku maraya Caasimada Dalka Itoobiya ee Addis Ababa.

Gudoomiyaha Associated Somali Journalists ( ASOJ) Dahir Abdulle Alasow ayaa sheegay in si wanaagsan ay soo dhawayn uga heleen Xukumadda Itoobiya,wuxuuna dhinaca kale xusay inuu socdaalkooda quseeyo arrimo la xiriiro ilaalinta madaxbanaanida Jaraa'idka ee Afrika.

“Itoobiya fikirkii aanu ka qabnay way ka duwan tahay marka laga hadlayo dhinaca Xoriyatul qoowlka waayoo anaga xitaa jaanis ayay noo siisay inaan tilmaamno hadii ay jiraan tacadiyo ka dhaco sidaas oo ay tahay waxaan rajo wayn ka qabnaa inay faahfaahin naga siiyaan sababaha uu u xiran yahay Wariye Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Cali Xalane (Cali Baabuur)”sidaa waxaa yiri Dahir Alasow oo u waramayay qaar ka tirsan Warbaahinta Muqdisho.




Dahir Alasow wuxuu ku nuuxnuuxsaday in Wariyaasha la socdo qaarkood ay u tahay markii ugu horeysay ee ay booqdaan Addis Ababa,wuxuuna dhinaca kale xusay inaysan jirin caburin iyo xadgudubyo lagula kacay .

Wafdigga ASOJ ayaa lagu wadaa inay Addis Ababa kaga sii gudbaan Magaalada Capetown ee Dalka Koofur Afrika halkaas oo ay kaga qaybgalayaan kulamo Saxaafadeedyo looga hadlayo Madax banaanida Jaraa'idka Afrika iyo sida loo xakameyn karo hadii ay jiraan tacadiyo lagula kaco..

Si kastaba ha ahaatee socdaalka wafdiga ASOJ ayaa ka qayba socdaalo ay shan wafdi oo kale ku marayaan dalalka Mareykanka,Yurub iyo Barigga dhexe.

 

Abdi Fitah Mohamed Hilowle

Mogadishu-Somalia 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip