![](https://asoj.org/uploads/asoj_bnr.jpg)
ASOJ oo Puntland ugu baaqay inay ka laabato shaqo joojinta lagu sameeyay Wariyaha BBC Somali.
Ururka isu taga Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee ASOJ ayaa Maamulka Puntland ee uu hogaamiye Jeneral Cadde Muusse boqor ugu baaqay inay deg deg uga laabtaan go-aanka lagu jibiyay dastuurka Puntland cutubka madaxbanaanida Jaraa'idka iyo mudnaanta Xoriyatul qoowlka.
Associated Somali Journalists waxay tibaaxeen in wareegtada Wasiirada Puntland shaqada ku xanibeen Wariye Axmed Kismaayo ay tahay mid lagu dhaawacay madaxbanaanida iyo sheegashada hanaan dimiqoraadiyadeed oo ka jira Puntland.sidaas daraadeed ASOJ waxay ku baaqeen in Wariyahaas la caburiyay dib loogu ogolaado xaquuqdiisa shaqo .
ASOJ waxay Puntland ku tilmaamtay inay noqotay Maamulka ugu halista badan ee Wariyaasha ka hoowlgalo lagu dhibaateeyo,taas oo ay ku tilmaameen nasiib daro laga tiiraanyooda.
Ururka Isu taga Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee ASOJ waxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ugu baaqeen inay faragelin ku sameeyso xadgudubyada ka dhanka ah Madaxbanaanida Saxaafadda ee ka sii daraya maalinba maalinta xigta,ayna ku kacayaan maamulka Puntland
ASOJ oo Puntland ugu baaqay inay ka laabato shaqo joojinta lagu sameeyay Wariyaha BBC Somali.