ASOJ ayaa maanta u qabtay Suxufiyiinta ka howlgala Idaacadaha,Wargesyada iyo Web Site+yada Muqdisho.

0
Monday July 05, 2010 - 04:35:11 in Warar Af-Soomaali ah by Super Admin
  • Visits: 2606
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    ASOJ ayaa maanta u qabtay Suxufiyiinta ka howlgala Idaacadaha,Wargesyada iyo Web Site+yada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

 

Tani waxay ahayd dood adag oo salka ku haysay shaqada Suxufiyiinta Soomaaliyed oo dhib badan ka haysato sidii ay gudan lahaayeen howshooda,iyadoo ay adag tahay xiriirka wada shaqeyn ee ka dhaxeeya saxaafadda Soomaaliya iyo Maamulada dalka ka jira,laakiin Suxufiyiintii Siminaarkan ka qeyb qaadatay waxay dhinacooda qaateen eedeeymo dhawr jeer loo jeediyay, waxaysa taasi ku turjumeen inay tahay mid dhinaca dhaqaalaha kala kulmayaan.


Doodii saaka ka dhacday Hotelka Waamo ee Magaalada muqdisho waxaa ka qeyb qaadanayay Suxufiyiin waa weyn oo qaarkood horey uga soo shaqeeyay hay,adihii Warbaahinta dalka xilligii hore, sida Faarax Cumar Nuur oo dardaaran adag siiyay Suxufiyiinta.

Laakiin tafatiraha boggan wararka Soomaalida iyo caalamka Dayniile AHMED SHEEKH CALI KALAAY ayaa muujiyay kaalinta milkiiliyaasha warbaahinta ku leeyihiin dhibaatada haysata Suxufiyiinta,wuxuuna yiri Milkiiliyaasha ma aysan siiyaan wariyaasha lacag fara badan oo howshooda ku gudan karaan,iyadoo ay jirto aqoonta wariyaasha oo aad u yar haddana taasi waxaa looga bixi karaa marka milkiiliyaasha maalgelin fara badan geliyaan hay,adooda warbaahineed markaasi waxaa suuragal ah in wariyuhu dadaal badan muujiyo,isagoo intaasi raaciyay in Milkiilayaasha looga baahan yahay in ay u madax baneeyaan wariyaasha howshooda Suxufinimo,Wuxuu ku tilmaamay Suxufiga in uu dhinac kasta ka eedeysan yahay haddana looga baahan yahay in loo hiiliyo dhanka Shacabka

Siminaarkan oo uu soo qaban qaabiyay ururka suxufiyiinta SAPJ isla markaana uu maalgelin dhinaca dhaqaalaha siminaarka uu bixiyay web site+ka MIDNIMO.COM ayaa waxaa howsha ururkaas iyo waxqabadka bogga midnimo ka warbixiyay ABUKAR ALBADRI oo ka mid ah suxufiyiinta Soomaaliyed isagoo sheegay in midnimo dhexdhaxaad ka yahay siyaasadda soomaaliya,wuxuuna sheegay in warbaahinta ay tahay Indhaha iyo dhegaha shacabka, hadii shacabka waayan warbaahin dhexdhaxaad ah oo ka run sheega wixii jiro ay taasi micnaheeda tahay Indho iyo dhego oo la waayay.

C/llaahi Black oo ah tafatiraha Wargeyska Ayaamaha isla markaana Macalin ka ahaa Siminaarkaas ayaa waxaa uu ku dheeraaday marxaladihii kala duwanaa ee soo martay Saxaafadda Soomaaliya,isagoo sheegay in isaga iyo Abukar Albadri ka mid ahaayeen ragg ka hortagay sharci adag oo Dowladdii C/qaasim Salaad Xasan ku doonaysay inay ku maamusho Saxaafadda Soomaaliya,wuxuuna soo jeediyay in loo baahan yahay in Saxaafadda isku aragti ka noqdaan xaaladaha ka jira dalka, ma aha in suxufiga wuxuu doono sheego balse suxufiga waa inuu sheegaa oo dadka u soo bandhigaa wixii run ah ee jiro.

Wariyaashii ka qeyb qaadanayay dooda Siminaarka oo ay ahayd MAS,UULIYADDA SAXAAFADDA KA SAARAN TAHAY ILAALINTA XEERARKA SAXAAFADDA IYO SUXUFIGA MAS,UULIYADA KA SAARAN TAHAY HOWSHA UU QABANAYO ayaa waxay dooda ahayd mid marba marka ka dambeysa sii adkaanaysay,waxaana ugu dambeyntii dooda noqotay in saxaafadda loo adeegsado wada saxda ah taas oo ah in runta la sheego isla markaana laga fogaado waxyaabaha keeni kara been abuur.

;Waxaad doonta ha sheegin waxaad aragti sheeg ayay ahayd dooda Suxufiyiinta Siminaarka ka qeyb qaadanaysay waxayna la isku afgartay in la ilaaliyo jiritaanka saxaafada iyadoo loo hoggaansami doono nidaamka caalamiga ee xeerarka saxaafadda 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip