ASOJ oo DFKMG ugu baaqay inay dib uga fiirsato go-aanka ay ku xirtay Idaacadaha Muqdisho sedex ka mida .
Ururka isu taga Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee ASOJ wuxuu cambaareeynayaa tilaabooyinka seef la boodnimada ah ee dowlada federalka KMG ah ee Soomaaliya ay ku xirtay Idaacadaha madaxa banaan ee Muqdisho,wuxuuna sidoo kale ku baaqayaa inay dowlada go-aankaas dib kaga fiirsato.
“ Dowlada KMG ah waxay meel kaga dhacday Madaxbanaanida Jaraa'idka sidaas daraadeed waxaa laga dalbanayaa dowlada inay ogolaato gudi ka tirsan Warbaahinta ,bulshada rayidka,Hay'adaha Xaquuqul insaanka iyo dowlada inay si wada jira u baaraan eedeymaha dowlada ee ku salaysan inay dhexdhexaadnimada ka baxeen sedexdaas idacadood “ayaa lagu yiri Warsaxaafadeedka ASOJ.
ASOJ waxay xirida sedex idaacadood u aragtaa mid xadgudub ku ah Madaxbanaanida Saxaafada,waxayna ugu yeeree Wasiirka Warfaafinta inuu ilaaliyo qodobada dastuurka dalka ee Xoriyutul qoowlka.
Abdifatah Muhudiin Noor (lajecloow)
Tell :+46736915272
Xafiiska ASOJ ee Sweden
ASOJ oo DFKMG ugu baaqay inay dib uga fiirsato go-aanka ay ku xirtay Idaacadaha Muqdisho sedex ka mida .