Dil,xarig iyo handadaad ayaa loo geystaa Weriyeyaasha ka howlgala Soomaaliya.
Inkastoo saxaafad madax banaan oo xor ah ay ka hanaqaaday dalka baaba’san ee Soomaaliya,hadana Marxalada adag ayey ku shaqeeyaan weriyeyaasha Soomaalida ee ku sugan gudaha dalka,sidaas oo ay tahay ma jirto weriyeyaasha dhexdooda isku xirnaan oo waa kuwa ay kala jiidaneyso dabeysha siyaasadaha qalifsan ee ka jira dalka.
waa run oo si isku mid ah ayey u danqadaan marka dil loo geysto qof ay isku
mehnad yihiin,laakin waxaa intaa dhaafsiisan ma jiraan, sida caadiyan jirta waa
dad sii kala jeeda oo aan laheyn rayi mideysan,waxaaney taasi keentaa in si
bareer ah loogu geysto xadgudubyo ka dhan ah xuquuqul
insaanka.
Soomaaliya waa meel lagu dhibaateeyo weriyeyaasha islamarkaana
,aan laga qadarin soo bandhigida xoriyada hadalka.
Wixii ka dambeeyey
sanadii 2000,waxaa soo badanaayey tacadiyada loo geysto weriyeyaasha madaxa
banana ee ka howlgala Somaliya,gaar ahaan kuwa ku dhaqan Magaalada caasimada ah
ee Muqdisho..
26,January,2000 weriye ka tirsan Codka
shacabka oo lagu magacaabo Axmed Kaafi Awale ayey kooxo burcad ah oo hubeysan ku
dileen suuqa bakaaraha xilli uu gudanaayey howlahiisa shaqo
21kii Febrauyo 2001,waxaa magaalada Boosaso lagu xeray
weriye Abdi shakuur Yusuf oo ka tirsanaa wargeyska Ogaal ee todobaadlaha
ahaa,waxaana la siidaayey 01-april ee isla sanadkaas.
27.Augost
2001,isla magaalada Boosaaso ee maamul goboleedka Puntland waxaa lagu
xeray Bile Max’ed Qabowsade iyo Max’ed Said oo ka kala tirsanaa wargeysyada
Soyal iyo Yool,kadib markii lagu eedeyey iney daabaceen warbixino wax u dhimayo
amaanka.
17 January,2003 kooxo hubeysan oo ka amarqaata
Ganacsade Maxamed Deylaaf ayaa albaabada u laabay Idaacada iyo Tvga Horn
Afrik.
June,2003,C/raxmaan Xudeyfi iyo Xuseen Geedi
Xeynuuf oo ka tirsanaa weriyeyaasha Radio Banadir ayey xabsiga dhigtay dowladii
Carte ee Cabdi qasim madaxda ka ahaa.
9 Febraury
2005,waxaa banaanka hore ee Hotelka Saxafi ee Magaalada Muqdisho lagu
toogtay Kate Peyton oo barnaamij soo saare ka aheyd BBC-da
In
May, 2005,Nin hubeysan ayaa dhaawac u geystay weriye Cabdalla Nuuradiin
Axmed oo ka tirsan Idaacada Horn Afrik ee Magaalada Muqdisho
5
June 2005,waxaa kontoroolka laga galo degmada Afgooye ee G/SH/Hoose nin
hubeysan uu toogasho ku dilay Weriye Duniyo Muxudiin Nuur oo ka howlgali jirtay
Shirkada warbaahinta Horn Afrik,gaar ahaan Idaacada Capital Voice,barnaamijka
Muqdisho iyo Maanta.
3 Agosto 2005, Maamulkii degmada
Jowhar ee G/Sh/Dhexe ayaa xabsiga dhigay weriye Cabdullaahi Kulmiye Caddow oo
idaacada Horn Afrik ka tirsan.
23 june,2006,Waxaaa
fagaaraha Tarbuunka ee Magaalada Muqdisho lagu dilay weriye filimqaade ahaa oo
Swedish ah Martin Adler oo ahaa weriye Madaxbanaan.
24
Octobar,2006 waxaa dowlada Federalka Kumeel Gaarka ay xirtay
weriyeyaasha kala ah,fahad Maxamed Abukar oo ka shaqeynayey idaacada
warsan,Maxamed Cadaawe,Shabeele Radio iyo Muqtaar Maxamed Catoosh weriyaha Horn
Afrik ee gobolada Bay iyo Bakool.
24 November 2006
Cabdullaahi Yaasiin Jaamac oo ka shaqeynayey Radio Warsan oo dowlada Federalka
ay ku xirtay Magaalada Baydhaba.
2 Janaury
2007,weriyeyaal ka tirsan wargeyska Haatuf ayaa la xiray kadib markii
lagu eedeyey iney warbixino isdabajoog ah ka qoreen qoyska Madaxweynaha M/mulka
Somaliland Daahir Riyaale Kaahin,waxaana maxkamada Somaliland ay ku xukuntay 2
ilaa 2 ½ sano iyo bar xabsi ah
15,January,2007,dowlada
Federalka ayaa xirtay sedex idaacadood oo ka howlgala Magaalada
Muqdisho,sida,Horn Afrik,Shabelle iyo IQK.
9 Maarso, 2007 Xasan Sade Dhaqane oo ka tirsanaa
Shirkada Warbaahinta HornAfrik xabsiga ay dhigtay Dowlada Federalka Kumeel Gaar
ka ah. .
4 April 2007 Agaasimaha tvga Universal
xafiiska Muqdisho C/qaadir Maxamed Cashar Nadar,weriye Bashiir Diiriye Naaleeye
iyo filmqaade Xaamid Maxamed Cusmaan oo intaba ka tirsan Tvga Universal ayey
xirtay DFS,kadib markii uu Afhayeenka Cabdilahi Yusuf,ninka lagu magacaabo
Xuub-sireed uu ku eedeyey iney su’aalo qaldan weydiiyeen,kadib markuu ugu yeeray
shir jaraa’id oo la sheegay inuu qabanayey,waxaana markii maxkamad la soo taagay
kadib cadaatay inaaney wax dambi ah laheyn ,iyagoo xornimadoodii dib ay u
helay,22 May sanadkan 2007
21 April 2007 madaafiic
dhowr ah oo lagu garaacay idaacada Horn Afrik waxaana halkaasi ku dhaawacmay
weriye Yaxye Cali Faarax iyo Filimqaade Cabdi Dhaqane Ciye.
5
May 2007 weriye Maxamed Cabdullaahi Khaliif ayaa toogasho lagu dilay
maamul goboleedka Puntland
15 May,2007,Weriye Abshir Cali Gabra iyo Axmed
Xasan Mahad oo ka tirsanaa weriyeyaasha Idaacada Jowhar ee G/SH/Dhexe ayaa lagu
dilay dagaal ku dhexmaray maleeshiyo beeleedyo tuulada Xaaji Cali ee isla
gobolkaasi Shabeelada dhexe, ayagoo u socday iney soo gutaan waajibaadkoodii
shaqo.
Waxaa intaasi sii dheer weriyeyaal badan oo jirdil ay DFS ugu
geysatay magaalada Muqdisho Ismaaciil Cali Cabdi Taxte, Maxamed Raage oo
idaacada shabelle ka tirsan,sidoo kale jirdil magaalada Baydhaba loogu geystay
weriye Maryan Qalanjo oo ka tirsaney weriyeyaasha Idaacada Shabelle baydhaba oo
ay jirdilka u geysteen ciidamada m/mulka gobolka baydhaba,iyadoo xafiiskii
Idaacada Shabelle ee magaalada Baydhabana la xiray.
Sidoo kale waxaa
jira handadaadyo dhowr ah oo si isdaba joog ah loogu geysto weriyeyaasha
Soomaaliyeed,waxaaney xilligan u muuqataa iney tahay waqtigii ugu xumaa ee soo
mara weriyeyaasha Soomaalida .
Waxaa soo ururisay Madaxa Daraasaadka iyo
diiwaangelinta ASOJ
Associated Somali Journalists
Fardowsa Max’ed
Cabdulle.
Nairobi , Kenya .
Dil,xarig iyo handadaad ayaa loo geystaa Weriyeyaasha ka howlgala Soomaaliya.