ASOJ oo sheegtay inay sii daciifeeyso Madaxbanaanidda Saxaafadda Muqdisho iyo Sedexdii Wariye oo la sii daayay.
Ururka Isu taga Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee ASOJ ayaa Dowladda Federalka KMG ah ku eedeeyay hanjabaad isdaba jooga oo ay ku hayso Saxaafadda Muqdisho taas oo afka ka xirtay Saxaafadda Muqdisho inay sheegi karaan tacadiyada ay ku kacaan Ciidamadda dowladda Federalka.
“ Madaxbanaanidda Saxaafadda Muqdisho way sii laciifeeysaa ,Wariyaashana waxay ku hoowlgalaan cabsi ,waxaana arrimahaa u sababa Madaxda dowladda Federalka oo maalin walba u hanjabeeyso Saxaafadda,waxaana arrimahaas oo dhan ay sababi karaan in Soomaaliya ay gasho Number 11 ee dalalka ugu liito dhinaca Madaxbanaanida Afrika “sidaa waxaa yiri Gudoomiyaha Ururka ASOJ Dahir Alasow oo dhinaca kale u mahadceliyay Gudoomiyaha gobolka Banaadir Maxamed Cumar Xabeeb oo dadaal dheer u galay sii deeynta sedexda Wariye ee uu ka midka yahay Cabdiqaadir Maxamed Cashar Nadaara.
“Waa inoo farxad in Cabdiqaadir Nadaara iyo Bashiir Naaleeye xoriyadooda dib u helaan waxaana uga mahadcelineeynaa arrintaas Gudoomiye Maxamed dheere oo kaalin wax ku oola ka Ciyaaray sii deeyntooda,waana dhab ahaantii mid taariikh ahaan aanu ku xasuusan doono Maxamed Dheere”ayuu yiri Dahir Alasow
Ururka Isu taga Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee ASOJ waxay Beesha Caalamka ugu baaqeen in ilgaara lagu eego digtatooriyadda Ugubka ah ee dowladda Federalka kula dagaalameyso Bulshadda Rayidka ah gaar ahaan Saxaafadda Madaxabanaan ee Soomaaliya
ASOJ oo sheegtay inay sii daciifeeyso Madaxbanaanidda Saxaafadda Muqdisho iyo Sedexdii Wariye oo la sii daayay.
Ururka Isu taga Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee ASOJ ayaa Dowladda Federalka KMG ah ku eedeeyay hanjabaad isdaba jooga oo ay ku hayso Saxaafadda Muqdisho taas oo afka ka xirtay Saxaafadda Muqdisho inay sheegi karaan tacadiyada ay ku kacaan Ciidamadda do