Kulan ay isugu yimaadeen Nairobi weriyeyaal ka socda qeybaha kala duwan ee warbaahinta oo laga soo saaray 5 qodob.

0
Monday July 05, 2010 - 04:32:09 in Warar Af-Soomaali ah by Super Admin
  • Visits: 2611
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kulan ay isugu yimaadeen Nairobi weriyeyaal ka socda qeybaha kala duwan ee warbaahinta oo laga soo saaray 5 qodob.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kulan maantay ka dhacay Hotelka Barakaat ee Magaaladda Nairobi ee dalka Kenya, ayna isugu yimaadeen Suxifiyiin Soomaaliyeed oo ka kala socday qeybaha warbaahinta Soomaaliyeed,  ayaa dood iyo wada tashi dheer oo ay yeesheen kadib waxa ay ka soo saareen qodobadda hoos ku qoran;

 

I.Waxaynu cambaareyneynaa xusuuqa ay ciidamadda Itoobiyaanka ahi ka wadaan gudaha dalka Soomaaliya gaar ahaan caasimada magaalada Muqdisho.


 

II.Waxaanu cambaareyneynaa weerarada sida gaarka ah loola beegsanayo xarumaha warbaahinta xorta ah gaar ahaan:- Idaacadda iyo Talafashinka Horn Afrik,  Idaacadda Qur'aanka Kariimka (IQK) &      Xarunta Wargeyska maalinlaha ah ee Ayaamaha, weeraradaas oo ah kuwa geystay qasaaro naf iyo maalba leh oo ay wax yeelo  ka soo gaartay wariyeyaasha kala ah:

 

1)     Wariye Yaxye Cali Faarax 

2)     Kamiriiste Cabdi Dhaqane (Cabdiyare)

 

III.Waxaan ugu baaqeynaa Dowladda FKMG in ay si shuruud la'aan ah ku soo daayaan xornimadoodana dib ugu soo celiyaan saddexda wariye ee ka tirsan Talafashinka Universal oo uu ugu horeyo Agaasimaha Talafashinkaas ee magaalada Muqdisho.

IV.Waxaan ugu baaqeynaa dowladdaha sii murjinaya xaaladda cakiran ee Somaliya in ay faraha kala baxaan. Sidoo kale waxaan ka codsaneynaa beesha caalamka iyo Hay'adaha xuquuqul insaanka in ay fiiro gaar ah ku eegaan xasuuqa qaawan ee lagu hayo shacabka Soomaaliyeed.

 

V.Waxaan ka codsaneynaa Hay'adaha samafalka iyo Jaaliyadaha Somaaliyeed in ay kaalmo bani-aadanimo la soo gaaran shacabka Soomaaliyeed ee waxyeeladu ka soo gaartay Dagaaladda iyo Masiibooyinka kale ee rabaaniga ah.  

 

 

Weriyeyaasha soo saaray baaqaan:

 

1)     Cibaar Sheekh Cali Cibaar

2)     C/shakuur Cilmi Xasan

3)     Bile Gurxan Axmed

4)     Hanad Max'ed Xuseen

5)     Ibraahim Daa'uud C/lle

6)     Xuseen Cilmi Cali (Ottodheere)

7)     C/sataar Daahir Sabriye

8)     C/raxmaan Cali Suubiye

9)     Canab Cabdi Axmed

10)   Yaasiin Max'ed Axmed

11)   Fardowsa Max'ed C/lle

12) C/naasir Max'uud Cumar (Zero)

13) C/weli Ibraahim Garyarre

14) Xabiibo Max'uud Garabwaa

15) Nasro Abuukar Axmed



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip